4344 Views

Kulan Alle bari ah oo lagu qabtay Muqdisho iyo baaq loo jeediyay shacabka

Kulan Alle bari ah oo lagu qabtay Muqdisho iyo baaq loo jeediyay shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Kulankan Alle bariga ahaa oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubnoa ka socday maamulka Galmudug iyo sidoo kale qeybaha bulshada ayaa waxa uu ka dhacay magaalada muqdisho.

Ugu horeyn qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka  ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay badiyaan Alle ka cabsiga si  uu Alle SWT uga dulqaado dhibaatada.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Cayaar jecel oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka mid ah mudaniyaasha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dhankooda shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana dhexdooda muujiyaan is jaceyl si uu Alle ugu gargaaro.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaaladda muqdisho ka dhacayay kulamo Alle bari ah si uu Alle dhibaatada ugu dul qaado Ummadda Soomaaliyeed.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment