3669 Views

Toban qodob aan kaga maarmi doonin inta aan isticmaaleyno Dowladda Itoobiya

Toban qodob aan kaga maarmi doonin inta aan isticmaaleyno Dowladda Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Ethopia kama maarmi doono inta aan la wadaageyno Qodobadaan hoos ku qoran:-

  1. Kama maarmi doono inta Kobaha Kooyaha loo yaqaan aan ugu jecel nahay kuwa Ethopian-ka ah .
  2. Kama maarmi doono inta aay xiiso nagu heyso Canjeerada Daafida Ethopian-ka ee laga dubo Maqaayadaha qaar ee ku yaalo Muqdisho.
  3. Kama maarmidoonto inta Heesaha Ajnabiga ah aan ugu jecelnahay Ethopianka aana Jaanta la ruxeyno marka aan maqalno Fanaanka Tedy Afra oo ku luuqeynaya (Lanbaadina).
  4. Kama maarmi doono inta Pasaporka Ethopia aan ku raadinoyno Lacag lagu soo xajin karo.
  5. Kama maarmi doono inta Siyaasiga naga xanaaqo uu aadayo Ethopia ee la soo siinaayo Hub ama lagu soo dajiyo Ethopia.
  6. Kama maarmi doono inta Ardeydeyna Minxo waxbarasho looga keenayo Ethopia halkaana aan lagu soo bareyn Taariikh tilmaameyso Somalia iyo Wadaniyadeda Midna .
  7. Kamamaarmi doono inta Safarada Ethopia ee Muqdisho ku dhex taalo Gudaha Madaxtoyada Qaranka ee Villa Somaliya .
  8. Kama maarmi doono inta Documintiyadeyna Muhiim ka ah uu ku yaalo saxiix Muwaadin Ethopiaan ah ama Wasiiradooda .
  9. Kama maarmi doono inta aay Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya iyagoo waliba soo galaya markeey rabaan baxayana markeey rabaan wadasheyna aaysan kala dhaxeyn Saraakiisha Amaanka Soomaaliya.
  10. Kama maarmi doono inta Cutubyada Ciidanka Qaranka Soomaaliya qaarkood lagu soo tababaro Gudaha Ethopia iyago kusoo gaardis barto Ereyada Ethopianka ah loona yaqaano Magacooda (Copy)

.

Cabdisalan Joker | Qaranimo Online | Muqdisho

——————————

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment