3249 Views

“Hadii Puntland aqbali laheyn nidaamka 4.5, sanadkan doorasho ma dhici laheyn”

“Hadii Puntland aqbali laheyn nidaamka 4.5, sanadkan doorasho ma dhici laheyn”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Maxamed Cabdi Afey Wakiilka Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Puntland ku gaareen magaalada Garowe, isagoo xusay in heshiiskan horseedayo in dalka doorasho ka dhacdo sanadkan.

Afey ayaa sheegay in heshiiskan uu tilmaam u yahay in Soomaaliya ka gudubto nidaamka wax qeybsiga 4.5, kaasoo uu xusay in Puntland horay uga biya diidsaneyd oo asagana uu wax ka ogaa.

“Heshiiskaas muhiimadiisa waxay aheyd in Puntland ku soo biirto hanaanka doorashada 2016, marka hore ay ka biya diidsaneyd, isla markaana sababo badan oo aan garawsanay uga biya diidsaneyd, nidaamka 4.5 Puntland kaliya ma diidaneyd, soomaali badan ayaa diidanaa”

Danjiraha ayaa sheegay in sababta Puntland u diidaneyd nidaamkaas ay aheyd in shirarkii Garowe lagu qabtay sanadkii 2012 la isla gartay in aan nidaamka 4.5 dalka lagu soo celin, isla markaana taas iyagoo tixraaca ay u diidanaayeen sida uu yiri.

“Anaga waxaa noo muuqatay in hadii Puntland sanadkan ka qeyb gelin doorashada, in mustaqbalka Soomaaliya uu mugdi geli lahaa, isla markaana aanay doorasho dhici laheyn”ayuu yiri Danjire Afey.

Urur Goboleedka IGAD oo majaraha u heyso dowladda Itoobiya ayaa damaanad qaad buuxa ka aheyd Heshiiskii Garowe ee Puntland ku qaadatay nidaamka 4.5, balse wixii ka dambeeya 2016 aan dib dalka looga isticmaali doonin, hadii ay Dowlada Itoobiya aqbasho.

Urur Goboleedka IGAD ayuu sheegay inuu diyaariyay Qorsha Soomaaliya uga baxeyso wax ku qeybsiga Hanaanka 4.5 islamarkaana Soomaaliya aysan mar dambe wax ku qeybsan doonin waxii ka dambeeya 2016 oo Soomaaliya ay Doorasho ka dhaceyso.

Dad badan oo Soomaali ah, ayaa qabo in ay tahay IGAD waxa dib u dhigaayo Qaranimada Soomaaliya, ayado loo adeegsanayo Itoobiya iyo Afey oo asagu ka socdo laba dhinac: Soomaaliya iyo Kenya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment