2931 Views

“lama ogolaan doono gaari aan laheyn Looxa lambarka”

“lama ogolaan doono gaari aan laheyn Looxa lambarka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale,Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xalay shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo xaaladda gobolka u gar ah.

Guddoomiyaha gobolka, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la ogolaan karin in magaalada lagu dhex wato gaari aan laheyn taariko lambar ha wato shacab ama mas’uul dowladeed, kala sooc ma laha.

Guddoomiye Yuusuf, waxaa kale oo uu sheegay in shacabka degan magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay qaataan teesare minishiibiyo ama warqada aqoonta ee dowlada hoose ee Xamar si loo soo celiyo nidaamka dowliga aha ee beri hore jiray.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in barnaamijka “hal dollar ku dhiso dalkaaga” uu meel wanaagsan uu marayo isla markaana dhismaha waddooyin laami ah oo barnaamijkaas lagu hirgeliyay gebagebo ku dhow yihiin, sida uu sheegay.

“Arinta canshuuraha guriyaha waa mid muhiim u ah horumarka dalka hadda waxaa noo taala liaa 400,000 oo dollar laguna dhisi doono waddooyin laami ah oo uu kamid yahay waddada wadnaha, canshuurta waxaa qaada dowlada hoose iyo wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Jimcaale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in amniga gobolka Banaadir wax badan laga qaban doono isla markaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada Muqdisho. Gudoomiya ma sheegin goor wax laga qaban-doono iyo sida looga qabanayo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment