3291 Views

Siilaanyo oo casho sharaf xalay Hargeyso ugu sameeyay wefdigii dhowaan halkaa tagay

Siilaanyo oo casho sharaf xalay Hargeyso ugu sameeyay wefdigii dhowaan halkaa tagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 6, 2016: Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha maamulka Somaliland, ayaa xalay casho sharaf u sameeyey xubnaha ururada bulshada rayidka ah ee dhowaan gaaray deegaanada gobolada waqooyi ee Soomaaliya si ay u gaarsiiyaan kaalmo lacageed oo dhan hal milyan oo doollar looguna talagalay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan Qaybta waqooyi ee Soomaaliya.

Wafdigaas oo ka koobna 12 xubnood oo isugu jira salaadiin, culimaa’udiin, ganacsato iyo  haween, waxaana kulanka cashada ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliland, xubnaha ka tirsan maamulkiisa iyo mas’uuliyiin kale oo isku daran.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo kamid ahaa mas’uuliyiin halkaasi dhowaan gaaray oo kulanka cashada ka hadlay ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka Soomaaliland si wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen mudadii ay halkaasi joogeen.

Guddoomiye ku xigeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay in la isku gurmado in ay tahay mid qeybka ah Islaamnimada, walaaltinimada iyo Soomaalinimada isla markaana sidan oo kale ay Soomaaliland sameeyeen xilligii abaaraha ay ka jireen koofurta Soomaaliya sanadkii 2011ka.

Wasiirka madaxtooyada Soomaaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka diinta iyo owqaafta Sheekh Xasan C/salaam, oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyay wefdiga u soo gurmaday dadka walaalahooda ah oo ay abaaraha halakeeyeen.

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa mahad naq balaaran u jeediyay dadkii u soo istaagay in ay gurmad la soo gaaraan dadka dhibaateysan oo walaalahood ah.

Dhanka kale wefdiga ururada bulshada rayidka ah oo gurmadka gaarsiiyay deegaanada ay baarta saameysay ayaa saaka ku soo wajahan magaalada  Muqdisho kadib markii howshii ay halkaa u tagaan ay u soo dhamaatay, soona guteen wajobkooda ku aadanaa xagga Soomaali-nimada.

8-5

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment