3099 Views

WAR DEG DEG AH.

____________________________________________________________________________

WAXAA LA MAQLAYAA DHAWAQA MADAAFIIC DARANDOORI AH OO AAN LA OGAYN MEESHA AY KA IMAANAYAAN IYO CIDA SOO RIDAYSA.

Warar aanu ka helnay Shacabka qaar ka mid ah, ayaa waxay sheegayaan in ay DHOWR MADFAC ku soo dheceen aga gaarka Madaxtooyada iyo Dekeda Muqdihso.

waxaa aad looga maqlayaa DHAWAAQA madaafiicda qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaa laga dereemayaa Shacabka ARGAGAX, waxaana laga kala cararay Goobihii lagu QAXWEYNAYEY ee Shacabka fariistaan.

Waxaa iyana ay soo wajahday CABSI Gaadiida Qaada Shacabka ee isaga kala Goosha Magaalada qaybaheeda kala duwan.

ilaa iyo hada lama oga QASAARAHA soo gaaray Shacabka, waxaa la maqlayaa DHAWAQA AMBALASTA ama Gaadiidka Gurmadka, Wixii Xaqiiq ah ee ku soo kordha Arintan dib ayaan ka soo sheegi doonaa, Insha’allah.

 

Qaranimo-online

Muqdisho

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment