3285 Views

Wajiga labaad ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maanta ka furmaya Jowhar

Wajiga labaad ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maanta ka furmaya Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 9, 2016: Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar uu ka furmo wajiga labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha, kaasoo uu hakad ku jiray tan iyo markii shirkaas si rasmi ah loo furay bishii Janaayo 2016.

Sida ay sheegayaan wararka na soo gaarayo shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa uu noqon doonaa mid odayaasha ka soo jeeda labada gobol isugu yimaadaan, iyadoo qorshuhu yahay in la guda galo qorshayaasha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa khamiistii mar uu booqasho ku tagay Buulo Burde sheegay in maanta oo Sabtid ah uu furmi doono wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe qeybta odayaasha.

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda labada gobol ayaa ku sugan magaalada Jowhar, iyadoo maalintii shalay kulan ay yeesheen uga hadlay aayaha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo caqabado badan ay hareeyeen tan iyo marki shirkaan la furay.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay maanta tagaan Jowhar, si ay u furaan wajiga labaad ee shirka Maamul u sameynta labada Gobol.

Inkastoo wali qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan ay diidan yihiin shirka Jowhar, hadana waxaa la ogeyn sida uu ku suurta geli karo shirka maamul u sameynta labada gobol, waxaana magaalada Beledweyn ka socda shirweyne dib u heshiisiin oo ay ka qeyb galayaan beelaha dega gobolka Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa inay dedejiso dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aan la gaarin bisha Agosto, xilligaasoo ku eg mudada dowladda hadda jirta.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment