3687 Views

Dowladda iyo Maamul goboleedyada oo maanta shir uga furmaya Muqdisho

Dowladda iyo Maamul goboleedyada oo maanta shir uga furmaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 10, 2016: Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta shir looga hadlayo qaabka doorashooyinka uga furmaya magaalada Muqdisho, kadib markii la isla ogolaaday in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Labada aqal ee Baarlamaanka, balse howl kale u baahan.

Shirkaan oo ah mid gaar ah ayaa waxay Hogaamiyeyaasha ka wada hadli doonaan farsamo ahaan qaabka ay noqoneyso doorashada soo socota. Kulaan an loo ogolayn in saxaafadda ka soo qayb-gasho.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay afarta Madaxweyne maamul goboleed, kuwaasoo la dejiyay guryaha martida ee Villa Somalia iyo Villa Hargeysa.

Warar qaar ayaa sheegaya inay jiraan qodobo xasaasi ah oo ku aadan qaabka doorashooyinka, taasoo ay ku kala aragti duwan yihiin Hogaamiyeyaasha.

Qaabka lagu soo xulay Aqalka sare iyo Aqalka hoose ayaa noqon doona qodobada laga doodi doono, iyadoo aanay meesha ka marneyn awoodaha madaxda maamul goboleedyada ay ku yeelan doonaan soo xulista labada aqal.

Inkastoo aan wali la helin wax hab ah oo ku saabsan inta uu shirkan soconayo ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu qaadan karo maalmo, maadaama hogaamiyeyaasha ay yihiin kuwo afkaartooda kala duwan tahay.

Gaba gabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabka ay u dhaceyso doorashada iyo sida loo soo xulayo Labada aqal ee Baarlamaanka, waa marka Madaxda ay isku raacaan.

Ma maquuto in ay ka soo bixi-karaan qodobo la isku raaco oo heshiis lagu yahay. Balse waxa laga filayo ayaa ah in la is xaniin taabto ka dibna lagu kala tago.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment