3411 Views

Furitaankii Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka oo baaqday

Furitaankii Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka oo baaqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 10, 2016: Waxaa dib u dhac an la filaneeyn ku yimid furitaanka kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta ka furmi lahaa xarunta Golaha shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo soo xaadiray kalfadhiga ayaa lagu wargeliyay inuu fadhiga maanta baaqday, isla markaana uu berri u dhacay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in kalfadhiga uu u baaqday markii Madaxweynaha oo la filayay inuu furo uu imaan waayay.

Mr Jawaari ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsan yahay shirar kale, sidaas darteed uu shirka u dhacay maalinta berri oo Isniin ah.

Jawaari ayaa sheegay in dastuuriyan ay tahay in Madaxweynaha uu furo kalfadhiga, uu soo xiro, isla markaana khudbad ka jeediyo.

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay, iyadoo mudada baarlamaanka hada jira ay ku egtahay bisha Agosto oo lagu wado in la soo dhiso Baarlamaan cusub,waa hadii suurtagal noqoto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment