3849 Views

Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka oo maanta furmaayo.

Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka oo maanta furmaayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 10, 2016: Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furmaya, kaasoo ah kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaankii la soo dhisay sanadkii 2012, iyadoo lagu wado in bisha Agosto la soo dhiso Baarlamaan cusub, haddi ay suurta gasho.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in kalfadhiga uu noqonayo kii ugu dambeeyay, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay ka soo qeyb galaan.

“Waxaa maanta inoo furmaya kalfadhigii 8aad ee Golaha shacabka, waa kalfadhigii ugu dambeeyay, tan iyo markii Baarlamaankii la soo dhisay sanadkii 2012, waxaa uu Baarlamaankan mudadiisa ku eg tahay 20-ka Agosto”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kalfadhigan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana loo baahan yahay dhamaan sharciyada hor-yaala Baarlamaanka la meel mariyo.

Waxaa kale uu sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada ay ka taxadaraan amnigooda, isagoo xusay inay munaasab tahay in Xildhibaanka uu amnigooda ka fikiro sida uu yiri.

Sida la maleeynayo, kalfadhigan 8aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in lagu meel mariyo sharciyo dhowr ah oo hor-yaala Baarlamaanka, waxaa ka mid ah sharciga la dagaalanka Argagixisada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment