6459 Views

Warsaxaafadeed laga laga soo saaray kulan Beesha Murusade ku yeelatay Muqdisho

Warsaxaafadeed laga laga soo saaray kulan Beesha Murusade ku yeelatay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 10, 2016: Shir balaaran oo maanta oo ay soo aabaabuleen Gudiyada Wargaradka Beesha Murusade ee Karanle ayna ka soo qeybgaleen Haweenka Beesha ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Wadatashi iyo dood wadaag dheer ka dib waxaa kulanka laga soo saaray Baaq ku aadan xaalada uu dalka marayo, kana kooban qodobadan hoos ku xusan:

1- Haweenka waxay lafdhabar u yihiin Bulshada soomaaliyeed, waxayna xaq u leeyiihin in lasiiyo mudnaanta iyo kaalinta ay ku leeyihiin talada masiirka ummadda .

2- Waxay xaq u leeyihiin in ay helaan xuquuada ay ku leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo xukuumadda la dhisayo, lana xaqiijiyo in qoondadii ay ku leeyihiin aanan la duudsiin.

3- Qabaa’ilka Soomaaliyeed qaabkooda wax qeybsiga xeerdajiyayaasha( Baarlamaanka) iyo Xukuumadaba waa in si hufnaan leh u muujiyaan xilna isaga saaraan in haweenka Soomaaliyeed inta ay qabiil walba ku leeyihiin ay uga muuqato si xaq ah.

4- Waxay haweenka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay isu abaabulaan ka qeyb qaadashada xulintaanka Baarlamaanka Soomaaliyeed ayna kaalintooda ka qaataan aayo ka talinta ummadda Soomaaliyeed.

5- lagama maarmaan waxaa ah in beeshu hesho isbadal dhab ah kaasoo ku saleysan waxqabadakii hore iyo halbeeg xisaabtan oo sal ay u tahay maxaa soo qabsoomay? Maxaan qabsoomin? Yaa mas’uul ka ah dhibaatooyinkii aan soo wajahnay? Si hore loogu socdo.

6- Waxaan u soo jeedinaynaa Dowlada Soomaaliyeed iyo dhamaan maamulada ka qeybqaadan doona qaab xulitaanka baarlamaanka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya sharciyada iyo in lala yimaado falal fool xun sida laaluushka iyo in musuq xil lagu raadsho.

7- Haweenka Beeshu waxay soo jeedinayaan in gurmad lala gaaro deegaanada ay beeshu degto ee ay ku habsadeen Abaaraha iyo nabadgalyada xumada ka dhalatay colaadda ka socota, isla markaana loo guntado sidii wax looga qaban lahaa.

8-Waxaan sidoo kale soo jeedinaynaa In sida ugu dhaqsaha badan deegaanada Beesha looga dulqaado cadowga dulsaaran, haweenkana ay hormuud ka noqodaan,aydoo lala kaashanaayo Shacbi ahaan, dowlad iyo beesha caalamka.

9- In la ilaaliyo midnimada beesha aydoo ay haweenku hormuud ka yihiin.

DHAMAAD

hawen-muru-8hawen-muru-4hawen-muru-3hawen-muru-2hawen-muru-7hawen-muru-6hawen-muru-5

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment