5097 Views

Xilliga la qaban doono Doorashooyika Somalia 2016 oo si qarsoodi ah loo helay

Xilliga la qaban doono Doorashooyika Somalia 2016 oo si qarsoodi ah loo helay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 10, 2016: Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka furmaya shirka madasha wadatashiga qaran ee madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa qaabka iyo waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya ee 2016, oo ay ka mid yihiin tan madaxweynaha, xildhibaanada labada aqal iyo midda guddoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Wararka qaar ku saabsan go’aanada shirkan kasoo baxaya iyo xilliga la shaacin doono doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya, kuwaasi oo laga hely ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan magacyadooda la carabaabin.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhici doona waqtiyada hoos ku xusan:.

1 – Xubnaha aqalka sare ee baarlamanka, ayaa waxaa lasoo gudbinayaa 10-ka June, 2016

2 – Xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka, ayaa waxaa lasoo gudbinayaa 12-ka June, 2016.

3 – Doorashada guuddoomiyaha baarlamanka (Aqalka hoose), ayaa waxa ay dhici doontaa 15-ka June

4 – Doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamanka, waxa ay dhici doontaa 17-ka June.

5 – Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa la qaban doonaa 10-ka September ee 2016.

Haddii dhab loo eego, waxaa suurta-gal in dhammaan taariikhahan, marka laga reebo tan madaxweynaha ay wax ka beddelaan is-qab qabsiga iyo muranka caadaada u ah beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee beesha caalamka ayaa ka digtay inaysan u dul qaadan doonin dib u dhac, hadii kale dhaqaalaha ayaa laga goosanaa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment