3597 Views

“Puntland waxay u dagaalameysaa in awooda lagu wareejiyo, waa in la ixtiraamaa beelaha”

“Puntland waxay u dagaalameysaa in awooda lagu wareejiyo, waa in la ixtiraamaa beelaha”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2016: Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka soo horjeestay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Puntland ee lagu saxiixay Garowe, isagoo ku baaqay in dib loogu laabto heshiiskaas.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraami beelaha kale ee deggan Puntland, isla markaana aanay aheyn in awood qeybsiga la isugu geeyo caasimadaha Gobolada.

“Puntland waxay u dagaalameysa in awooda lagu soo wareejiyo, Madaxweynaha Puntland asiga laftirkiisa beel ayuu ka yimaadaa, mana ahan in awood loo siiyo inuu wax soo xulo, waa in beelaha degan gobolada la ixtiraamo”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh ayada oo ay jiraan dad badan oo ku raacsan xildhibaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskaas aan ka turjumeyn maslaxada dadka Soomaaliyeed, balse uu yahay heshiis si gaar ah awood u siinaya shaqsiyaad sida C/weli Gaas.

Heshiiskii 3-dii bishan lagu saxiixay Garowe ayaa awood badan siinaya Madaxweynaha Puntland inuu soo xulo Baarlamaanka labada aqal, waxaana jira siyaasiyiin saluugsan C/wali Gaas oo ka soo jeeda deegaanada Puntland, kuwaasoo ay suura gal tahay in hadii uu soo xulo inuu ka saaro.

Heshiiski lagu saxixay Garowe ayaa laga baqaa in fitno u noqdo dadka nabada jecel ee Reer Puntland.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment