5652 Views

Qarax ka dhacay degmada Xamar weyne

Qarax ka dhacay degmada Xamar weyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2016: Dad gaaraya ilaa shan ruux ayaa ku geeriyootay, in todobo ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, qarax loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta duhurkii ka dhacay maqaayad ku taal degmada Xamar weyne.

Maqaayada qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Al-Hindi, taasoo ku taal dhabarka dambe ee xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxa dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen dad shacab ah carrurna ay ku jiraan.

“Qaraxan waxaa ku dhintay shan ruux, todobo kalena waa ku dhaawacmeen, waa mid loola dan lahaa shacabkii maqaayada joogay”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay bilaabeen inay beegsadaan maqaayadaha shacabka, isla markaana labo maalmood ka hor sidan oo kale maqaayad shacab qarax la beegsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, isla markaana ku bartilmaameedsaneysay Saraakiil ka tirsan dowladda oo goobta ilaalinaayay!

Qaraxyada baabuurta waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee la dhigo goobaha dadka ku badan yihiin ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho oo an la ogeeyn cidda ilaaliso.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment