3279 Views

Faroole oo digniin kama danbeys ah ka bixiyay soo xulista Baarlamaanka Somalia

Faroole oo digniin kama danbeys ah ka bixiyay soo xulista Baarlamaanka Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 12, 2016: C/raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, ayaa ka digay in Baarlamaanka cusub ee imaan doono ay soo xulaan rag Musharaxiin ah oo u taagan qabashada hogaanka dalka Somaliya.

Wuxuu caddeeyay hadii la doonaayo in la helo Baarlamaan wanaagsan oo dalka uu yeesho in soo xulista Baarlamaanka laga madaxbanaaneysiiso Ragga Musharaxiinta ah ee Isimada Somaliyed loo daayo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

”Waxaan ka digayaa hadii la rabo Baarlamaan wanaagsan oo Bulshada u adeega gaarsiiya dawladnimo rasmi ah in aan la aqbalin in musharaxiin aysan soo xulin balse loo daayo Isimada Soomaaliyeed” Ayuu Yiri Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

Bulshada Somaliyed ayaa wuxuu ugu baaqay inay kaalin ku yeeshaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee dalka uu yeelan doono.

”Anigu Murashax waan ahay, waxaana ku kalsoonahay in wax laga badalo sidii ayaantii hore wax loo xulay, waxaana ku kalsoonahay in dadku soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya ay yeelanayso Agoosto 2016-ka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment