3975 Views

Madasha wadatashiga qaran oo goor dhow la soo gaba gabeeyay

Madasha wadatashiga qaran oo goor dhow la soo gaba gabeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 12, 2016: Waxaa mar dhow la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayay qaabka doorasho ee labadii maalmood ee la soo dhaafay u socdak madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Munaasabada lagu soo xirayay shirkaas laguna shaacinayay war murtiyeedka ka soo baxay ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xiritaanka ayaa waxaa goob joog ka ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Madaxda maamul goboleedyada, wasiiro iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa la isku raacay habkaay  udhaceyso doorashada bisha September ee soo socota, iyadoo madaxda ay saxiixeen qodobada ay isku raaceen ee ku qoran war murtiyeedka

Daa’uud Aweys Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa munaasabada ka akhriyay war murtiyeedka laga soo saaray shirka madasha wada tashiga.

Qodobada muhiimka ee ku jira war murtiyeedka ayaa ah in labo Guddi la magacaabayo oo ku saabsan doorashooyinka, kuwaasoo kala ah Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Qaran iyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Labada Guddi ayaa ka koobnaan doona min 17 iyo 11 xubnood, Guddiga hirgelinta doorashada heer qaran ayaa ka koobnaan doona 17 xubnood, kaasoo shan xubnood ay dowladda Federaalka soo magacaabi doonto, halka maamul goboleedyada ay ka imaan doonaan min labo xubnood.

Guddiga heer dowlad goboleed ayaa waxaa uu ka koobnaanaya 11 xubnood, 8 ka mid ah ayaa ka imaanaya maamul goboleedyada, halka saddex xubnood ay ka imaanayaan dowladda Federaalka.

Garowe ayaa la go’aamiyay in bisha May lagu qabto shirka arrimaha dastuurka, waxaana shirkaas ka horeyn doona shir ay yeelanayaan Madaxda Madasha wada tashiga qaran.

Waxad naga sugtaan waa war Murtiyeedki oo qoran.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment