3492 Views

Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo hambalyo ku aaddan 12-ka april udirtay Ciidanka Xoogga dalka

Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo hambalyo ku aaddan 12-ka april udirtay Ciidanka Xoogga dalka
____________________________________________________________________________

Rome | April 12, 2016 – Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanadguurada aasaaska ciidanka Xoogga Dalka u dirtay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada XDS.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ufadhiya Talyaaniga General Muuse Xasan Cabdulle oo maanta war qoraal ah kasoo saaray xarunta Safaaradda ee Magaalada Rooma ayaa waxa uu ugu horeyn ugu hambalyeeyay ciidamada iyo saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed debaaldegga maalinta la aasaasay Ciidanka Xoogga.

«Aaad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta anagoo joona Xarunta safaaradda la qeybsano faraxadda iyo damaashaadka Saraakiisha,Saraakiil xigeennada,Alifleyda,dableyda iyo xaasaskooda waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, sidoo kale waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan dhammaan holwadeennada safaaradda ammaan uga jeedinayaa halkaan dedaalka iyo horummarada ay ciidanka xoogga dalka qeybahooda kala duwan ka sameeyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabab ee diiddan jiritaanka iyo nabadgelyada ummadda Soomaaliyeed» ayuu yiri Danjire Muuse Xasan Cabdulle Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya wadanka Talyaaniga.

Danjire Gen. Muuse ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda,Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka XDS inay il gaar ah ku hayaan qoysaska geesiyaashii naftooda u huray xureynta dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka alshabab oo haatan laga saaray qeybo farabadan oo kamid ah dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 12kii April sanadkii 1960kii iyagoo door firfircoon oo lama iloowaan ah ka qaaatay difaacidda dhulka,berriga,badda,cirka , iyo badbaadinta danaha iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment