3384 Views

Wasiiro gaaray Jowhar iyo wajiga labaad ee shirka oo goor dhow furmaya

Wasiiro gaaray Jowhar iyo wajiga labaad ee shirka oo goor dhow furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 12, 2016: Wafdi Wasiiro ka kooban ah oo uu hogaaminayo C/raxmaan Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa mar dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay kaga qeyb geli doonaan furitaanka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kaas oo waqti dheer qaatay.

Qaabaynta xaflada furitaanka wajiga labaad ee shirka ayaa xilligan ka socota xarunta hoolka shirarka ee deegaanka u ah ergooyinka labada gobol, waxaana koox fanaaniin ah ay ka qaadayaan heeso an la ogeeyn waxa ay ku saabsanyihiin.

Wariyahasha qaarkood, ayaa soo sheegaya in saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan hoolka shirarka wafdiga Wasiirada ee uu hogaaminayo Wasiir Odawaa, waxaana si rasmi ah uu u furi doonaa shirka maamul u sameynta labada gobol wajigiisa labaad oo rajo laga leeyahay in wax badan ay suurta-galaan.

Ergooyin ka socota labada gobol ayaa ku sugan hoolka shirarka, sidoo kale qaar ka mid ah duubabka dhaqanka labada gobol ka soo jeeda ayaa iyana xaadir ku ah in kastoo qaar ay qaadaceen.

Wajiga labaad ee shirka ayaa maanta bilaabaya, iyadoo qaar ka mid ah duubab dhaqameedyada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay diidan yihiin shirka Jowhar, iyadoo magaalada Beledweyn uu ka socdo shirweyne dib u heshiisiin oo ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka soo gala xarunta shirka la dhigay ciidamo kala duwan oo heegan ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment