3132 Views

“Dadka aan sharciga ku joogin Puntland, waa la qabanayaa, waana la xirayaa”

“Dadka aan sharciga ku joogin Puntland, waa la qabanayaa, waana la xirayaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13, 2016: Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Wasiirka Amniga Puntland, ayaa soo saaray digniin cusub oo la xiriira dhinaca Amniga, isagoo xusay in wixii hada ka dambeeya ay iska ilaalin doonaan dadka soo galaya deegaanadooda.

Mr Qarjab ayaa sheegay in marka ugu horeysay dadka reer Puntland ay qaataan sharciga dal ku jooga ah, waxaana uu tilmaamay dadka soo galaya inay heystaan sharci, cidii aan heysan la qabanayo lana xirayo.

“Waxaan rabnaa inaan dadweynaha reer Puntland u sheegno inay amniga ka shaqeeyaan, waxaa rabnaa inaan sameyn wixii hada ka dambeeya inay dadka qaataan document dal ku joog ah, dadka soo galayana ama qaxooti ha ahaado ama dad kale waa inay marka ay xuduudaha ka soo galayaan ay sharci heystaan, cid wakiil ka ah ama damiin ay jirtaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Mr Qarjab ayaa sheegay in qofka Puntland degan uu heystaa sharci, isla markaana cidii aan heysan sharcigaas la qabanayo, lana xirayo.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay arrintan u sameynayaan ay tahay, kadib markii ay ka war heleen in tiro ku dhow boqol ruux oo ka tirsan Al-Shabaab ay qaab shacab ahaan u soo galeen deegaanada Puntland, isla markaana doonayaan inay weeraro ka geystaan.

Waxaa uu ka digay in aan guryaha cid laga kireyn karin, iyadoo aan sharci loo marin, isla markaana laamaha amniga lagu soo wargelin.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay howl gallo ballaaran ka waday magaalooyinka, iyadoo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Tan iyo bishii hore dagalayahano ka tirsan Al-Shabaab doonyo ku gaareen deegaano ka tirsan Mudug iyo Nugaal ayaa waxaa sii kordhayay feejignaanta ay ku jiraan Ciidamada Puntland, taas oo ah wax loo baahanyahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment