3402 Views

GO’AANKII DOWLADA OO NOQDAY WAA SOCON WEYNAYE EE AAN!!!

GO’AANKII DOWLADA OO NOQDAY WAA SOCON WEYNAYE EE AAN!!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 13, 2016 – Abwaan Somaaliyeed baa yiri “midnimaa wanaag lagu guntaa laguna goobaaye, inaad gudo colowdaan in lays Garabsadaa dhaanta”  Shirka laga furay Jowhar, Xal makeeni doonaa?

Go’aankii dowlada oo noqday, waa socon weynaye ee aan Orodno, horeyna waxaa loo yiri “waxaadan hureynin, habaar laguma doorsado”

Sida lawada ogyahay, waxaa shalay laga furay Magaalada Jowhar wajigii 2aad shirkii lagu midaynayey Gobolka Hiraan iyo Sh. Dhexe, iyadoo ay ka socdaan Baledweyne Shirar dib u heshiisiineed oo u dhexeeya Beelaha wada dega Gobolka Hiraan.

Wax garadka iyo Hogaamada dhaqanka ee reer Hiraan horey ayey Codsi ugu direen Dowlada, codsigaas oo ahaa in shirka Jowhar dib loo dhigo ilaa Bil iyo bar, siloo TURXAAN bixiyo Qodobada Xasaasiga ah ee MURANKU ka jiro, iyo in la dhamaystiro Heshiiska Beelaha reer Hiiraan, si loo gaaro Mowqif lagu wada mideysanyahay oo keeni kara MIDNIMO waarta.

Hadaba waxaa is waydiin mudan, Shirkan wijigiisa 2aad ee laga furay Jowhar, iyadoo aysan u DHAMAYN Hogaamadii dhaqanka iyo Wax garadkii Beelaha labada Gobol, iyadoo ay weli taagan tahay doodii ahayd Qaabka loo maamulayo shirka iyo Goobta lagu qabanayo shirka iyo in Hogaamada dhaqanka loo daayo maamulka Shirka, ayaa la furay Shirkii 2aad..

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la kaashanayo caqliga suuban, waa maxay XALKA uu keeni karo Shirkan wajigiisa 2aad ee laga furay Jowhar?, Dowladuse maxaa horumar ah ayey ka faa’idi kartaa Shirkan GACAN KU RIMISKA ah?, mar hadii Beelihii la midayn lahaa iyo Dowladii midayn lahayd uu ka dhexeeyo is faham la’aan ku saabsan qaabka loo maamulayo Shirka.

War iyo dhamaan waxaan dhihi lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Somaalidu waxay tiraahdaa “Ninaan kuu furi doonin, yuusan kuu Rarin”, waxaa ii muuqato in ay la taliye kuu yihiin dad aan aqoon u lahayn QIIMAHA ay leedahay Maslaxada CAAMKA ah ee la raadinayo, waayo shirkan laga furay qaybtiisa 2aad Jowhar, waa XAQIRAAD TOOS ah oo lagu Bahdilayo Reer Hiraan, lakiin waxaad ilowsan tahay Hogaamada Dhaqanka Reer Hiraan iyo Wax Garadka Reer Hiraan in ay yihiin UDUB DHAXAADKII Shacabka Somaaliyeed, mana mudna in Shir Gacan ku RIMIS ah looga dhawaaqo in ay Joogaan Shaqsiyaad matala Waxgaradka reer Hiiraan, waana GAF iyo MEEL ka dhac loo gaystay reer Hiiraan ee yaan la abuurin in ay Colaad Cusub ka dhex dhalato Beelo horay heshiis u ahaa oo ay ka dhexesay derisnimo iyo walaalnimo soo jireen ah.

Ugu dambayn waxaa iga talo ah in aan la XAQIRIN reer Hiraan, MAQAAM aysan mudnayna yaan la gayn, FURSADO SABAR u baahan yaan la dayicin, Midnimo meel dhow joogtana yaan la dheereyn,! Somaalidu waxay tiraahdaa “Guul habeen dhex kaa xigo, yaanay Gurcod habeen iyo  laba dhex kaa noqon”!!!

Walaalaha Reer Jowhar iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leeyahay mid ogaada Guul meel dhow joogto yaan la dheereyn, wixii lagu waayo wada hadal iyo is qadarina, laguma keeni doono Jujuub iyo is qadarin la’aan, Sharafta iyo Karaamada reer Hiiraana yaan meel looga dhicin, midna ogaada “Aan wada hadalno Macnaheedo waa aan heshiino” ee yaan Nabada la quursan CEELNA lagu ridin.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment