3366 Views

Mareykanka oo shaaciyay duqeyn qarsoodi ah uu ka geystay Jubbooyinka

Mareykanka oo shaaciyay duqeyn qarsoodi ah uu ka geystay Jubbooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13, 2016: Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaano ka tirsan Jubooyinka.

Qof u hadlay Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha ay dhaceen Isniintii iyo Talaadadii, lana bartilmaameed labo goobood oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in 12 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeymaha oo ka kala dhacay deegaanada Yoontoy iyo deegaanka Cabdalla Biroole oo duleed ka xiga magaalada Kismaayo.

Waxaa kale oo la sheegaya in duqeyntii habeen hore ka dhacday deegaanka Yoontoy ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Weerarkan cirka uu Mareykanka ka geysanayay deegaano ka tirsan Jubbooyinka ayaa ahaa kuwo xiriir ahaa tan iyo bishii hore, waxaana meelaha la bartilmaameedsaday ka mid ahaa deegaanada Kamsuuma, Jilib iyo kuwa kale oo an ka fogeeyn.

Duqeeynta ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo kordhayay, waxaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab sida la sheegay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment