4059 Views

M/weyne Xasan Sheekh oo sii deynaayo caruurtii lagu qabtay Puntland

M/weyne Xasan Sheekh oo sii deynaayo caruurtii lagu qabtay Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13, 2016: Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay waalidiinta Somaliyed ee caruurtooda lagu qabtay duulaankii Shabaabka ay ku qaadeen deeganada Puntland in laga doonaayo inay soo doontaan caruurtooda oo ay iska daayaan cabsida iyo fulinimada

Mudane Xasan Shekh, wuxuu sheegay caruurtaasi inay yihiin kuwa ay soo qaldeen Shabaabka, islamarkaana Maamuladii gacanta ku dhigay si wanaagsan ay u la dhaqmeen.

“Waalidiinta waxaan leeyahay cabsida iska daaya soo doonta wiilashiina, caruurtiina soo doonta u imaada, cunugii shalay lagaa xaday ama lagaa xoogay, maanta waa wiilkaagi Dowladaadi ayaa gacanta ku haysa u imoow, oo u keen dareenkii waalidnimo ee shalay ay ka dhumiyeen, ilmahan yar yar ee aanan qaan gaarin waxa ay u baahan yihiin qalbigii waalidinimo iyo caadifnimadii waalidnimo, waalidiinta caruurtaasi laga soo xaday waxaan leenahay caruurta u imaada arka sida ay u nool yihiin.”Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku eedeeyay Saraakiisha Shabaabka inaysan daacad ka aheyn dagaalada ay wadaan, maadaama aysan caruurta ay qaldeen u raacin deeganadii ay u direen, taasina ay muujinayso fulaynimadooda waa sida uu yiri Madaxweynaha.

“Boqolaalka dhalinyarada ah ee la qalday dadkii diray waa fuleeyo gadaal ayuu ku ganbanayaa jiqda iyo geedaha dhexdooda, ha ogaadaan waalidiinta Somaliyed iyo walaalaha waa fuleey muu soo raaco oo uu ku dhex jiro, hadiiba caruurta uu soo lugooyay, wuxuu ku soo lugooyay uu aaminsan yahay, Dowladda Somaliya ma aysan ilaawin masuuliyadii Maamuladii gacanta ku qabtay xanaano gaar ah dadaal gaar ah iyo wacyigelin gaar ah ayeey u baahan yihiin, caalamka Somaliya ha u soo jeesto oo Somaliya haka kaalmeeyo.”

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment