3402 Views

Somaliland oo sheegtay in aanay qeyb ka aheyn shirkii wadatashiga ee Muqdisho

Somaliland oo sheegtay in aanay qeyb ka aheyn shirkii wadatashiga ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13, 2016: Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay qeyb ka aheyn shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran ee looga xaajoonayay doorashada Soomaaliya, kaasoo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

C/llaahi Cismaan Saxardiid (Cadaani) Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxa shirkaas aanu quseyn, isla markaana aanay jirin cid magacooda kaga qeyb geli karta oo ayan ogeeyn.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u cadeyneysaa Beesha Caalamka in Soomaaliya ay jebisay heshiiska ay goob jooga ka ahaayeen ee ahaa in loo wada hadlo Soomaaliland iyo Soomaaliya, cid inooga qeyb gashay ma jirto shirarka Muqdisho, naa quseeyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa kale ee uu sheegay in aanay marna ka mid noqon shirarka wada tashiga ee Muqdisho ka socday, isla markaana aanay jirin cid ku matali karta magaca jamhuuriyada Soomaaliya, hadii uu yahay siyaasi, Madax dhaqameed ama maqaam kale oo ka duwan.

Go’aanadii laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga qaran ayaa dhigaya in xubnaha Aqalka sare ay 11 xubin ku leedahay Somaliland, iyadoo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada waqooyi ee Somaliland ka qeyb geli doonaan doorashada soo socota.

Soomaaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, inkastoo aanay weli helin wax aqoonsi ah, waxaase deegaanadeeda lagu amaanaa inay ka jirto xasilooni iyo dimoqraadiyad oo ayaga ku eg.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment