4083 Views

Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis wada gaaray

Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis wada gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 14, 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Cumer Xassan Axmed Al-Bashir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee dalka Suudaan.

Labada madax ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Al Bashir , shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya  xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageerada joogtada ah.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda gaarka ah.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arko Soomaaliya oo  si buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in labadooda dal ay  tusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo amniga bulshada ay madaxda u yihiin.

md-xasan-khartuun-heshiis-1 md-xasan-khartuun-3 md-xasan-khartuun-2 md-xasan-khartuun-1 DSC03037-3

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment