4959 Views

FAROOLOO MADAXWEYNE SOOMAALIYA UNOQDA BAAN ALLOOW KAA MAGANGALNAY!!!

FAROOLOO MADAXWEYNE SOOMAALIYA UNOQDA BAAN ALLOOW KAA MAGANGALNAY!!!
____________________________________________________________________________

HORDHAC/GOGOL-DHIG    –  

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Minnesota | QOL | April 15, 2016 – Fadlan lasoco meelaha ka midabka duwan qoraalka, waa Link-yo (Hyperlinks) qoraalka kulifaaqan, kuwaasoo lagusoo ururiyey baaritaanka (Research-ka) qoraalka lagu sameeyey, macluumaad dheeri ahna kusii siinaya, sida qoraallo iyo video-yo muhiim u ah qormadan.

Aqirtoow; habeenkii lagu dhaqaaway heshii-kusheegii Garowe, ee wixii uu Maamul-Beeleedka Puntland iska soowada qortey loogu xarxariiqay, ayaa isla maalinkii xigay taariikhduna ku beegneyd: April 4, 2016-kii waxaa shir-jaraa’id Garowe kuqabtey horjoogihii hore ee Maamul-Beeleedka Puntland: Mr. C/raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole. Shirkaa jaraa’id wuxuu kushaaciyey in uu yahay musharrax utaagan qabashada jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, ee doorashada dhacaysa 2016-ka. Xaqiiqdii inkastoo Faroole yahay Muwaadin Soomaaliyeed, oo xaq uleh in uu is sharaxo, hadana waa mid Allaah laga magangalo, mana aheyn nin wanaag iyo sumcad Soomaaliweyn kasii kasbaday, umana ekeyn nin mustaqbalka dhow wax xil ah udoonan doona, guud ahaan ummad weynta Soomaaliyeed, qaab-dhaqankiisii lawada ogaa darteed. Soomaaliduse waxeey tiraahdaa: “Indho adkaa, ma il Geel buu laqay!”. Waase iska aduunyo iyo xaalkeedee, waakan Ninkii Faroole ahaa iskeenay, horaase looyiri: “Illoowsho dhawaa, ma Umulbaa!”

no-faroole-1

Ogoow Faroolaha raba in uu Madaxweyne Soomaali oodhan uwadanoqodo, ee Villa Soomaaliya inta fariisto, ee raba in uu go’aanno kagaaro masiirka dhan ee ummadeena Soomaaliyeed, waa ninkii shalay markii Al-Shabaab kuxasuuqeen 25-muwaadiniin Soomaaliyeed ah hotel Makka Al-Mukarramah ee Muqdisho, taariikhdu markii eey ku beegneyd March27-keedii 2015-ka, kuwaasoo Soomaali oo dhan isugu jirey, waliba lahaa: Madax, aqoonyahanno, culimo, rag iyo dumar, ciidan iyo shacab, odayaal iyo dhalinyaraba, meeshuu inta dhimatey uwada tacsiyeyn lahaa, dhaawacana Allaha caafiyo dhihi lahaa, maalintaa murugada lehna tiiraanyada lawadaagi lahaa dhamaan ummadeena Soomaaliyeed, waakan inta nasiibdarro! Warbaahinta soofariistey, caqligiisa uu keenay, in uu meydadkii eey Al-Shabaab ummadeena Soomaaliyeed kalleeysay, uu qabyaalad ku kalasooco, waliba kaaga siidarane -illeyn ceeb looma dhintee! Uu nasiibdarro! Iyadoo waliba xaaladaa lagu jiro, isla soomutaxay in uu yiraahdo: “Muqdisho waxaa lagu ugaarsadaa [Micnaha Hawiye ku ugaarsadaa] dadka reer Puntland, waxaana ugu baaqayaa in eey isaga soobaxaan/sootagaan!”. Ogoow waxa hadalkaa kakeenaya, waa in uu dadkii Soomaaliyeed ee halkaa kuwada geeriyooday, uu kamid ahaa Allaha unaxariistee: Danjirihii/Safiirkii Soomaaliya ufadhiyey xafiiska xuquuqul insaanka ee Jimciyada Quruumaha Kadhexeeysa/Midoobey ee Geneva, Switzerland: Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari), oo ay Faroole isku beel ahaayeen. Subxaanallah!

Faroolaha raba in uu Madaxweyne Soomaali oo dhan uwada noqdo, waa ninka isugu daray raaf/qabqabasho, iyo in uu usameeyo kaarar cunsuriyadeed, ama kaarar Laaji/Ajnabi-Waa kuwa afka qalaad lagu dhoho: “Alien cards”-Walaalaha Soomaaliyeed ee kasoo qaxay koonfurta kalee Soomaaliya, ee kunool deegaannada hoostaga Maamul-beeleedka Puntland, Soomaalidaasoo ubadan marras Soomaaliyeed oo kasoo hayaamay gobollada Baay iyo Bakool! Waa ninkii caanka ku ahaa gadashada/lacag siisashada iyo ugacangalinta Itoobiya wiilasha iyo gabdhaba xuriyo-udirirka jabhadda ONLF-ta ah, ee Itoobiyaanka kasoo baxsada, ee Puntland Soomaalinimada naftooda ugula soo dhexdhuunta, si eey ugu badbaadaan, inkastoo uu mararka qaana iska dhigo nin “Beesha Guud” udooda.

no-faroole-2

Waa ninka intuu horjoogaha ka ahaa Maamul-Beeleedka Puntland muwaadiniin Soomaaliyeed oo Sacuudi Carabiya ay soo tarxiishay, oo dalkeeda ay kasoo eriday, una soo eriday dalkoodii hooyo ee Soomaaliyeed, markii diyaaradii siday eey Puntland kasoo dagatay, uu ku amrey intii beeshiisa iyo wixii “Reer Puntland” ahna ladajiyo, inta kalee Soomaaliweyn ahna diyaarada lagu wadaceliyo, oo aan Puntland lagu dajin karinba! Nasiibwanaag dadkaa Soomaaliyeed ee nasiibdarradaa eey dalkoodii hooyo kula dhacday, Faroolena uu sidaa uladhaqmay, waxaa sidiiran loogu soodhaweeyey caasimada 2-aad ee dalka, magaalada Hargeeysa, ee gobollada waqooyi ee “Somaliand” ee dalkeena Soomaaliya. Ogoow! Waxaa sidaa uu ula dhaqmayo Faroole oo masuul Soomaaliyeed sheeganayey, waa muwaadiniin Soomaaliyeed, oo dal Ajnabi ah laga soo eryey, dalkoodii hooyee Soomaaliya markii lakeenayna shaqsigaa mas’uliyada sheeganaya, -Maantana in uu Soomali oodhan Madaxweyne unoqdo damac uga jiro- uu sidaa ula dhaqmay. Waa taariikh ma guurto ah, qoranoo lama illaawaan ah. Nasiibdarose! Dadkeena Soomaaliyeed taariikhda micno sidaa usiibuuran uma sameeyso. Faroolana wuxuu kuxisaabtamayaa, sida caadadaba ah, in beesha uu kadhashay Siyaasiga Soomaaliyeed, eey aad uga muhiimsan tahay taariikhdiisa mugdiga ah.

Waxaa intaa kuusii dheer dukumiintiyadii sirta ahaa ee ay warbaahinta weyn ee caanka ah, ee sirarka caalamka faafisa, ee lagu magacaabo: Wikileaks.org ay kashaacisey Faroole, taariikhdu markii ay kubeegneyd 17-kii bishii April 2013-ka, taasoo kadhigneyd fadeexad qabyaaladeed, oo Faroole intaa an aqoon sifiican ubareeysey. Waxeey aheyd warbixin yaab badaneyd, oo ka marqaati kaceeysey heer-kulka qabyaaladeed ee Faroole. Danjirihii Mareykanka ee Soomaaliya ee xilligaa: Mr. James Swan oo dhambaallo diblomaasiyadeed (Cables) ugudbinayay dowladiisa, kadib la kullankiisii Faroole, oo dhowr mar ka kaladhacay magaalooyinka: Naiorbi, Addis-Ababa iyo Djibouti, ayaa wuxuu yiri: “Madaxweeynaha Puntland [Faroole] waxuu isiiyey darsi kudhawaad hal saac oo kullankeenii ahaa inaga qaatay, kaasoo uu iigu khudbeeyey taariikhda Harti Daarood iyo deegaanadooda.”. Warbixintu waxeey intaa kusiidartey Danjiraha oo leh: “Faroole wuxuu igu adkeeyey in Hawiyuhu eey aaminsan yihiin in xukumitaanka magaalada Muqdisho eey siineeyso xaq gaar ah, oo ah ineey xukumaan Soomaaliya oo idil. Wuxuu si caro/xanaaq leh inagu weydiiyay, “Yaa yiri magaala madaxda Soomaaliya waa inay Xamar noqataa!!!?”, Wuxuu Faroole intaa raaciyey, “Sidaa daraadeed reer Puntland waxeey doonayaan dowlad Soomaaliyeed oo aan mid dhexe aheyn, micnaha aan awood badan laheyn, oo ka mid ah nidaam Federaali ah”.

Aqristoow marka aad arkeeyso u ololeynta Federaal-kusheega/Fadaro-Aalka, iyo ereyada maldahan ee waxa dadka qaar ugu yeeraan: “Maqaamka Caasimada/Muqdisho” hadda mafahamtey hadafka, iyo qabyaalada isir naceybka ahe lakala dhaxlayo, ee ay salka ku heeyso?

Warbixintoo dheereeyd darteed, ereyadan kooban, oo inooga wadafilan Faroole, ayaa danjire: James Swan wuxuu kuyiri, “Ninkan Faroole ah kulamo waqti badan qaatey baan Naiorbi, Addis-Ababa iyo Djibouti kulagatay. Wuxuu waqtiga intiisa ugu badneyd iiga qaaday/dhameeyey Hawiyaa saan ah, iyo Daarood baa sidan ah. Waa nin Siyaasadiisuba aaneey soodhaafin 1991-dii, Qaab fikirkiisuna sidaa yahay!”.

Faroole waa ninkaa qabyaalad iyo “Reer Muqdisho” isir-naceeybkooda darteed ugu waashay Muqdisho dowladu kuma shaqeynkarto, 3-Million-nee reer Muqdisho wax xaq ah kuma yeelan karaan aqalka sare (The Senate), Xamar muuqaalkii caasimadeed malaha, caasimadda waa in laga raraa/badalaa. Sida kamuuqatana waxaa ka dhaadhacsan Faroole iyo “Inta kadhaxashay” mabda’a-qabyaaladeedkaa, in Xamar caasimada laga raro, Garowaha juffa-hoosaadkiisu dagaanna caasimada Soomaaliya looga dhigo! Weey kadagi la’dahay in Muqdisho caasimad aaneey reer gaar ahi kadhigin, reer gaar ahina kawareejin karin, oo Afti Soomaaliweyn ay Caasimadda qaranka kunoqotey, hadii laga badalayana aftidaa Soomaali weyn oo dhan ah uun looga badalikarayo, oo shaqsi ama “Hal reer” aaneey kabadali karin, waxkastoo dhaca!. Malaha haduu Madaxweyne Soomaali oo dhami unoqonlahaa, waa ninkaa sidaa qabyaalada ugu indha adage, maalinta 1-aad ayuu dhihi lahaa, anigu Garowe baan kushaqeynayaa, oo caasimadii dalka ah. Wagareey wagar!

Waxkalaba iska daa’e; Faroole waa ninka dhowr jeer kuhanjabay in hadii sidaa iyo sidaa aan layeelin, ay reer Puntland ka go’ayaan Soomaliya. Waxaa la dhihikaraa Faroole waa ninkii bilaabay guuxa kago’itaanka Soomaaliya, ee hadda kasoo yeerey Cabdiweli Gaas-kii la islahaa wuu ka aqoon roonyahay odeyga. Wuxuu Faroole wareeysi kusheegay in uu wadaxaajood lafurayo Soomaaliland, si eey iskala go’aan Soomaaliya. Nasiibwanaagse! Reer Soomaaliland ayaa jawaab kufilan siiyey, kadib markii gudoomihaha xisbiga Ucid, Injineer: Feeysal Cali Waraabe uu mar wareeysi lagu weeydiiyey arintaa, uu ugu jawaabay isagoo yiri, “Waxba yaanu Faroole isku kaaya nabin/dhajin, labadaa gobolee uu la ordayee, tunka uu kusito Soomaaliya beey waligeed kamid ahaayeen……….!”.Nin dalka in uu kala qeeybiyo eey kasuurtoowdo in uu yahay baan kabaranay!

Waxaa waxkasta kasiidaran, oo nasiibdarrada ugu weyn, ee taariikhda Faroole ugashay ah, in uu yahay ruuxii iskadaa isagoo mas’uuliyad sheeganaya’e, xitaa Muslimnimo sheeganaya in uu yiri: “Qur’aanku madhameeystirna, laakiin dastuurka Puntland waa dhameeystiran yahay!”. Subxaanallaah! Wuxuu nasiibdarro! Isagoo jeesjeesaya, kibraani awood isbidiyana ay kamuuqato tusaale usooqaatey oo yiri, “Qur’aanku ma sheegayo sida ay gawaaridu nalka (light-ka) u isticmaalaan, laakiin dastuurka Puntland weey kucadahay”.Xasbunallaah wanicmal wakiil.

GABAGABO/GUNAANAD

Waa yaabka yaabkiise! Shaqsiga heerkaa qabyaaladiisu gaarsiisan tahay, iyo waliba garashadiisa, dadnimadiisa, damiiskiisa Soomaalinimo, biseeylkiisa siyaasadeed, Diintiisa, iyo qaab fikirkiisaba, uu waliba sidaa uliito una uhooseeyo, miyaa raba in uu Madaxweyne inoo noqdo? Bal malee waxa kasuurtoobikara, mar hadii fursad uu uhelo in uu Soomaaliya Madaxweyne uwadanoqdo! Farooloo Madaxweyne Soomaaliya unoqda, baan Alloow kaa magangalnay. Wabillaahi Towfiiq.

“Run sheeg, waa ceeb sheeg!”

.

.

cabdiboqorQoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka

iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.

Al-Madinah International University Abdulkadirphd@hotmail.com

Minnesota, USA.

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment