3096 Views

Madaxda waddamada Islaamka oo ku shiraya magaalada Istambuul

Madaxda waddamada Islaamka oo ku shiraya magaalada Istambuul
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 15, 2016: Shir madaxeedka wadammada Islaamka ayaa lagu qanayaa dalka Turkiga kaasoo ay ka qeybgalayaan ilaa 30 hoggaamiye, waxaana looga hadlaya sidoo loo xallin lahaa khilaafyada u dhaxeeya dadka muslimiinta ah oo isku haysta dana an la ogeeyn.

Boqorka Sacuudiga Salman iyo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, oo dalalkooda ay isku hayaan dagaallada ka socda Yemen iyo Syria ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa kulanka Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka.

Waxaa kale oo looga hadli doonaa xaaladda Falastiin, Libya, Yemen, Syria iyo gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan oo ay ka soo cusboonaadeen rabshado u dhaxeeya dadka Azeri-ga iyo ciidamada Armenia.

Inta uu socdo kulanka, ayaa la filayaa in Turkey ay madaxtinimada ururka iskaashiga Islaamka kala wareegto dalka Masar.

Wakiillo ka socda 56 dal, oo ay ku jiraan 33 madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal ah ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka ka dhacaya magaalada Istanbul oo arrima faraban ee Islaamka quseeya laga doodi-doono.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment