3129 Views

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka IMF

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka IMF
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 15, 2016: Shir sanadkiba mar la qabto, oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka furmay magalada Washington ee dalka Mareykanka kaasi oo ay ka  qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka.

Soomaaliya ayaa shirkani waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Aadan Ibrahaaim Farkeeti ayadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha caalamka, iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliya.

Prof. Max’ed Aadan Ibraahim Farkeetei Wasiirka Maaliyadda  ayaa ka hadlay muhiimadda uu Soomaaliya  u leeyahay heshiis dhawaan ay la galeen hay’adda lacagta aduunka IMF oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Shirkan ayaa socondoona mudo maalmo ah ayadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah  ay ka soo baxaan marka laga hadlaya arrimaha Soomaaliya, taas oo ka mid tahay in la cafiyo daymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

MG_4891

MG_4992MG_5000

SM16 MD Somalia
SM16 MD Somalia

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment