3171 Views

60,000 oo ruux ayaa la gaarsiiyay raashiin

60,000 oo ruux ayaa la gaarsiiyay raashiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Guddiga caalamiga ah ee Bisha iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa raashiin u qeybiyay ilaa 60,000 oo ruux kuwaas oo kamid ah dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya.

Gobolada Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag ayaa kamid ah meelaha la gaarsiiyay raashiinkan laga qeybiyay, iyadoo waxyaabaha dadkaas loo qeybiyay uu kamid yahay sida Bariis, Digir, Sisin iyo saliidka raashiinka lagu karsado xillia la filayo in roobabka gu’ga ay curtaan bilaha Abriil iyo Juun ee sanadkan.

Sanakan ayaa waxaa si aad ah u soo raagay roobabkii la filayay in ay ka da’aan deeegaanada isla markaana xaaladda bani’aadanimo sii xumeysay, waxayan taasi sababtay in qiimaha xoolaha nool uu hoos u dhaco maadaama dadka goboladan ku dhaqan ay nolashooda ku tiirsan tahay xoolaha nool.

“Abaarta iyo cuna yarida ayaa xaaladda waxaa ay ka dhigtay mid aad u adag nolasha dadka ku nool gobolada ay khilafaadka ka jireen,”  waxaa sidaasi sheegay madax guddiga caalamiga ah ee  ICRC Soomaaliya Jordi Raich Curco.

“Nasiib daro tani ma ahan mid ku cusub wadanka waxaa horey u jirey abaaro soo noqnoqday iyo daadad sanadihii u dambeeyay. Anaga waxaa ku rajo weynnahay in kaalmadan wax ka tari doono bulshada ay abaarta saameysayUnfortunately,.”

Soomaaliya waxaa soo maraya xilliyo kulul, oo ay biyaha guraan isla markaana baraagaha ay noqdaan isha keli ah ee biyaha laga helo, markaas oo dadka ay ku qasbanaadaan in ay lacag ku bixiyaan helidda biyaha.

“Xilligan waxaa uu ahaa mid qalalan isla markaana aad u adag,”  ayuu sheegay madaxa ICRC u qaabilsan mashaaricda biyaha Soomaaliya, Fernando Resta. ” Biyaha baraagaha waa ay ka qaalisan yihiin kuwa caadiga loo helo. Raashiin qeybinteynana waa mid la xiriirta si qoysaska ay waqtigii raadinta raashiinka ku bixin lahaayeen in ay ku bixiyaan raadinta biyaha.”

laga soo bilaabo sanadkii 2014, ICRC waxaa ay qandaraas ku bixisay 11 baraagaha biyaha boreholes, 10 ceel biyood oo kuwa gacanta ah sidoo kale 20 meelaha biyaha celisaa ayaa ka fulinay gobolada ay abaaraha saameeyeen.

Sanadkii 2015, 7,800  ruux ayaa la gaarsiiyay 23,000 abuurka geed timireedka si looga caawiyo dhanka ganacsiga beeraha iyo nolo maalmeedka bulshada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment