5376 Views

AMISOM oo dad shacab ah ku laaysay Buulo Mareer ee Sh/Hoose

AMISOM oo dad shacab ah ku laaysay Buulo Mareer ee Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Wararka nooga imaanayo deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay maanta ku dileen afar ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo saarnaa gaari ayaga oo an dambi gaysan.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas ku furay gaari yar oo nooca Suzuki ah oo ay la socdeen dadkan oo safar u ahaa dhanka magaalada Muqdisho.

Afarta ruux ee ay dileen Ciidamada ayaa waxaa ku jirtay haweeney da’ aheyd oo xaalad caafimaad loogu soo waday magaalada Muqdisho, waxaana lala dilay gabar ay ayeeyo u aheyd oo dhalin-yaro ah.

Sidoo kale labada ruux ee kale ayaa ahaa Ganacsato laga yaqaanay deegaanka, waxaana magacyadooda lagu sheegay Daa’uud iyo Maxamuud Macalin.

Dadka deegaanka ee ka carooday falkan dilka ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM ayaa banaan bax ay uga soo horjeedeen AMISOM ka dhigay deegaanka Buulo Mareer.

Ma aha markii u horeysay ee Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku dilaan deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose, sanad ka hor ayay aheyd markii dad shacab oo isku qoys ahaa ku xasuuqeen magaalada Marka, ayaga oo ku sugan gurigooda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment