8643 Views

Dhibaatada Muqdisho taalla ee an laga hadlin.

Dhibaatada Muqdisho taalla ee an laga hadlin.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Tan iyo dagaalladi sokeeye, magalada Muqdishu dadka ku nool wax ay ahayeen kuwa marba meel u qaxa oo dhowr iyo labaatan sano xasilooni loo diiday, in kastoo dhowr dowladood ay isku bedeleen. Waxa jiray dhowr Gudoomiye oo isku xigay oo Gobolka Banadir loo magacaabay. Waxa ugu dmbeeyay Yuusuf Xuseen Jimcale oo ah aqoon yahan, balse khibrad maamul ay ka maqantahay, la taliyaal wanaagsanna an haysan.

Magaalada Muqdisho, ganacsigeeda wuxuu ku socdaa meel halis ah oo an berri laga soo noqon-karin, taas oo an uga jeedo jidadka la xiraayo oo dadku ay la’ayihiin meel ay maraan ama badeecadooda ay ku gaystaan hadba suuqa markaas ay ka ganacsadaan.

Jidkaan dheer ee lagu magacaabo Makkal-Mukarrama, cid an madax ahayn ma mari-karto oo aqoonsi haysanin. Islaanta waayeelka ah ee canaha dusha ku soo qaaday, ayada oo ka timid Km 7 ama Siliga ee u soo socota Suuqa Xamarweyne xageey mareysaa? Ku tala gal, aqoonsi ma hasato! Hadii ay gaari soo raaci lahayd, jidka ayaa xiran oo Dowladda Federalka iyo Barlamaanka kaliya ayaa maraaya, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir! Waa run ee hala yaabina.

Waxyabaha intaa ka sii yaab badan, ayaa ah arrinta ka socota dhismihii la oran jiray Ufficio Governo oo hadda ah Xarunta Gobolka Banadir. Goobtaas ayaa noqotay meel an la gali-karin oo aga-gaarkeda an la mari Karin. Jidka kastoo hor mara ama ku dhow ayaa la xiray, markaas ayeey noqotay Jaziirad gaar u ah Gudoomiyaha Gobolka, shaqaalaha iyo askarta gaarka ah ee asaga ilaalisa.

Haddii ad u malaysiin in an iska shekaynayo, waxan idin leeyahay, taga ee soo arka inta jid oo xiran iyo ciidanka jooga inta uu la egyahay. Waxase ka horreeya in ad heshaan meel ad martaan!

Bulshada Gobolka Banadir ku nool waxaa lagu qiyaasay 2.700.000, kuwaas uu masuul ka yahay Gudoomiyaha Gobolka isla markasna ah Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Intaa waxaa u dheer, in Gudoomiyaha uu dusha u dhigtay Nabadgelyada iyo Ammanka Gobolka Banadir, ka dib marki Madaxweynaha uu asaga ku wareejiyay.

Arrintaas, ila hadda wax ka soo naasa cadaaday lama hayo oo ka duwan in jidadka la xiro, wadooyinka la gooyo oo dadku meel ay maraan waayaan oo ganacsatada garab raratada ah ay caruurtoda qadada qalqiil ka gasho.

Inta waxaa ka dhib badan kuwa Canshuurta qaado ee dadka ku baadayo Suuqyada Muqdisho, ayaga oo mararka qaar wata Rasiidyo Naxli ah oo an Gobolka ka soo bixin.

Waxad arkaysaa askarta Gobolka Banadir oo gellinka dame wareegayo Suuqyada ayaga oo dadka masakinta ah ee rootiga, okunta, qudaarta iyo digaaga ka qaadayo lacag aysan qaadir u ahayn!

Waxaan Gudoomiyaha Gobolka Banadir, ka codsanayaa in uu fahmo waajibka ka saran dadka xukunkiisa ku hoos nool ee Reer Banadir, isla markaana uu furo Jidadka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa Xarunta Gobolka u dhow.Tan kale Gudoomiyaha waa in u sameeyaa dad dabagal ku sameeya kuwa Canshuurta beenta ah ka aruuriyo dadka garab-raratada ah ee suuqyada ku gata Cadayga iyo waxa la midka ah.

Nabagelyada magaalada Muqdisho, jid la xiro ama wado la gooyo ku iman-mayso ee waxa ay u baahantahay wada shaqeeyn dhax marto Gudoomiyaha Gobolka Banadir iyo Bulshada ku nool Gobolkaan.

Sida Muqdisho ay ku socota haddii an wax laga bedelin, waxaa hubaal ah in ay noqoneey sidi Xiryahi Nazi-igi uu dadka qaar ku gumaadi jiray (Concentration Camp).

Arimaha an kor ku soo sheegay iyo inta an ka gaari-waayay, si loo xaliyo waxa ay dusha ka saarantahay, Gudoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa magalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiye: Muqdisho Indha-Shareerka ka dhaaf.

W. Qoray: M. Suuleey

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment