3105 Views

Madaxweynaha Soomaaliland,”Sinaba Soomaaliya Qayb Ugama Nihin Doorashadeeduna Nama Qusayso”.

Madaxweynaha Soomaaliland,”Sinaba Soomaaliya Qayb Ugama Nihin Doorashadeeduna Nama Qusayso”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay daan-daansi ku wado dowladdiisa, isagoo naqdiyay go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay in Somaliland aanay marnaba qeyb ka aheyn shirkaas, isagoo xusay in cid matasha Somaliland ka qeyb gelin shirarkii Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya afla Jamhuuriyada Somaliland waxaa halkan ku cadeynayaa in aan qeyb ka aheyn Soomaaliya, waligeedna ka noqon meyno, hadii Federaal tahay iyo hadii kale”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, isla markaana midnimadeeda la soo noqotay mar hore.

Maamulka Somaliland ayaa horay u sheegay in aanu quseyn shirarkii ka dhacay Muqdisho ee looga hadlayay doorashooyinka, in kastoo xubnihi ay qayb u lahayd la siiyay oo madax halka joogta ay u qaadeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment