4269 Views

Salam Bank oo xarun cusub ka furatay Jowhar

Salam Bank oo xarun cusub ka furatay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Xarunta Cusub ee Salaam Bank ee magaalada Jowhar ayaa lagu qabtay hoolka shirarka hotel Subiye ee magaalada Jowhar.

Xafladaan ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta shirkada Isgaarsiinta Hormuud, maamulka sare ee Salaam Bank qaar ka mid ah ganacsatada,Aqoon-yahanada,beeralayda,xoolo dhaqatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sh/dhexe.

Dadkii ka hadlay munaasabadan ayaa waxaa kamid ahaa Cumar Xuseen Maxamed oo ku hadlayay magaca ganacsatada gobolka Sh/dhexe, waxana uu sheegay Cumar in ganacsatada gobolka ay soo dhoweynayaan furitaanka xaruntan cusub ee Bangiga Salama Bank ka furtay magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadan furitaanka qaar kamid ah waxgaradka magaalada Jowhar oo uu ka mid ahaa Cabdulle Colow isagoo ka codsaday madaxda bangiga Salaama inay ku soo kordhiyaan waxqabad gaar ah oo ah maalgelin loo sameynayo beeralayda bariiska ee gobolka taasna ay tahay mid dabooli karta baahida dalka ee cuntada.

Sidoo kale nabadoon Xasan Qaasin Qeyley oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in bulshada gobolka ay soo dhoweynayaan ayna ka rajeynayaan bangiga in sidoo kale maalgelin ku sameeyo xoolaha nool.

Kulankan ayaa waxaa hadalo kala gedisan ka soo jeediyay qaar kamid ah mas’uuliyinta Bangiga Salama waxaana ay sheegeen mas’uuliyiintan in Bangiga uu ku sii fidayo gobolada dalka uuna qabto adeegyo kala duwan.

Siciid Macalin Abuukar oo ka mid ah saraakiisha Bangiga Salama oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in labo adeeg oo muhiim ah uu qabto bangiga sida keydka iyo maalgelinta.

Waxana uu Siciid Macalin Abuukar sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka uu bangiga u shaqeeyo kaasoo ah haatan mid casri ah isla markaana bulshada adeegyo  hufan u qabanayo.

Xaflada furitaanka Salaam bank waxaa ka soo jeediyay Cabdullaahi Shiikh Cumar oo ku hadlayay magaca madaxa Bangiga. Waxana uu sharaxaad ka bixiyay taariiqda bangiga isagoo sheegay in  la aasaasay sanadkii 2009kii ujeedka loo aasaasayna ahayd in adeegga bangiga uu noqdo mid Islaami ah isla markaana dabooli kara baahida bangiyeed ee ummada Soomaaliyeed.

Madaxa Shirkada Hormuud ee gobolka Sh/dhexe Shiikh Axmed Barrow Axmed oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in bangiga uu yahay mid xilli ku haboon laga furay Jowhar uuna rajaynayo in horumar ballaaran ku soo kordhiyo sida dhismaha guryaha iyo horumar kale oo dhinaca ganacsiga ah.

Ugaas Cabdullahi Ugaas Saalax oo kamid ahaa marti sharaftii lagu casuumay xaflada furitaanka Bangiga Salaama ayaa ugu hambalyeeyay bulshada gobolka Sh/dhexe furitaanka xarunta bangiga.

Sidoo kale Ugaas Cabdulaahi ayaa xusay in muddo dheer uu xiriir la lahaa bangiga uuna daboolay baahida ganacsatada ay u qabeen in ay dalka dibadiisa wax ugaga soo iibsadaan.

Furitaanka bangigaan cusub ee magaalada Jowhar waxa uu ku soo aadayaa iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada gobolka ay baahi weyn u qabeen in laga furo bangiga si howlahooda ganacsi ay u sii wataan.

XAFLAD-SALAMA-1 XAFLAD-SALAMA-2 (1)

XAFLAD-SALAMA-3

XAFLAD-SALAMA-3 XAFLAD-SALAMA-4

 

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment