3318 Views

Shir ku saabsan Amniga Afrika oo maanta ka furmaya magaalada Bahar-Dar

Shir ku saabsan Amniga Afrika oo maanta ka furmaya magaalada Bahar-Dar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16, 2016: Shir ku saabsan Amniga Afrika ee Tana Forum, ayaa maanta ka furmaya magaalada Baxar Dar ee dalka Itoobiya, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaal ka socota dalalka Afrika sida ay u badanyihiin.

Shirka Tana Forum, ayaa ah kii 5-aad ee Madasha Amniga Qaaradda Afrika waxaana Madaxda ka qeyb galeysa ay ka doodi doonaan arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada iyo howl galada nabad ilaalinta guud.

Waxaa kale oo la filayaa inay shirkan ka soo qeyb galaan Madaxweynayaal hore ee Afrikan ah, kuwaasoo lagu wado inay khudbad ka jeediyaan.

Madashaan ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale oo kala duwan.

Shirka madashan inta uu socdo ay madaxda Afrika isku dhaafsan-doonaan fikrado la xiriira qaabka mashaakilaadka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

 Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka qeyb geli doona, sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo lagu casuumay shirkan ayaa markii labaad ka qeyb galaya shirkan.

In kastoo Soomaaliya hal Madaxweyne ay leedahay, haddana waxa la ogaaday in Soomaaliya laba madaxweyne ay Shirka Bahar- Dar uga qayb gashay kuwaas oo kala ah: Xasan Sheekh iyo C/weli Gaas. Arrintaas ayaa dad badan oo Soomaali ah la wareersan-yihiin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment