3510 Views

AMISOM oo Qirtay Inay Dad Shacab ah Ku Laayeen Koonfurta Soomaaliya

AMISOM oo Qirtay Inay Dad Shacab ah Ku Laayeen Koonfurta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17, 2016: Afhayeenka AMISOM Col Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dhacdadii shalay ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanka Buulo mareer iyo Gol-weyn oo ciidankooda rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah kuna dhinteen afar ruux oo rayida.

“Gaariga ayay ciidankeena la hadleen waxayna ku yiraahdeen istaag wuuna maqli waayay darawalkii gaariga waxayna u qaateen ciidankeena inuu weerar ku yahay, sidaas ayuuna falkaasi ku dhacay”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Amisom.

Ciidamada AMISOM ayaa howlgal ciidan ka wada deeganada Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay jidadka ugu galaan  Al-shabab taas oo ku dhalisa ciidamada AMISOM marka ay waddooyinka socdaan in aan gawaarida dadweynaha ku soo dhawaan oo baqtin darteed ay rasaas ku furan ayaga oo an hubsan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment