3906 Views

Guddiyada Baarlamaanka oo ka doodayo qaabka loo wajahayo doorashada 2016

Guddiyada Baarlamaanka oo ka doodayo qaabka loo wajahayo doorashada 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17, 2016: Guddiyada joogtada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta shir ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo kaga doodaya qaabka loo wajahayo doorashada sanadkan ee dhaceysa bisha September ee soo socota.

Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddiyada joogtada Baarlamaanka ay isla eegi doonaan qaabka ay u dhici doonta doorashada iyo qorshayaasha la qabanayo ka hor doorashada.

Mudane Jeylaani ayaa sidoo kale xusay in qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran inay qeyb ka yahay waxyaabaha ay ka hadli doonaan Guddiyada Baarlamaanka.

Mudayaalka Baarlamaanka ayaa dalbaday in la horkeeno go’aanada ka soo baxay shirarkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay qaabka doorashooyinka u dhici doonaan, iyadoo aan la ogeyn sida xilligan wax uga bedeli karaan go’aano ay isku raaceen Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Gobolada oo iyaga ah kuwo ay xilligan ka go’do talada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaankii kalfadhiga 8aad ka sheegay in Baarlamaanka la horkeeni doono go’aanada ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga ee la isku raacay habka doorashada 2016 u dhaceyso.

Baarlamaanka Federaalka oo waqtigiisa sii dhamaanaya ayaa awood badan ku laheyn go’aanada Hogaamiyeyaasha Madasha wadatashiga qaran, iyadoo ay muuqata in go’aanadu ay inta badan yihiin kuwo gaar u ah hogaamiyeyaasha ee an cid kale la wadaagin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment