5169 Views

Fadhigii Baarlamaanka oo maanta ku soo dhamaaday buuq, qaylo iyo natiijo la’aan

Fadhigii Baarlamaanka oo maanta ku soo dhamaaday buuq, qaylo iyo natiijo la’aan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18, 2016: Shirki mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa ku soo dhamaaday buuq af-lagaado,iyo natiijo la’aan, kadib markii xildhibaanada ay ku guuldaraysteen in ay ansixiyaan anjadayaal Baarlamaanka la hor-keenay.

Mid kamid ah qodobada horyaalay baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa  mooshin lagu dalbanayay in dib loo dhigo shirka maamul u samaynta Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, oo ay dhawaan baarlamanka u gudbiyeen ilaa iyo 40 xildhibaan oo badankooda Gobolladaas ka soo jeeda.

Guddoomiyaha ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur oo isku dayay in la qaboojiyo buuqa iyo sawaxanka ay sameynayeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii uu go’aansaday in  uu xiro fadhigii baarlamaanka ee maanta.

Guddoonka Baarlamanaka ayaa markii dambe soo xiray fadhiga markii uu sii socday buuqa u dhaxeeyay xildhibaanada, oo dhaliyey in kulanka uu u socon waayey si habsami leh.

Shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan oo wajigiisii labaad uu ka socdo magaalada Jowhar ayaa waxaa diidan saddex ugaas oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan halka inta badan duubabka dhaqanka ee labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ay haatan ku shirsan yihiin magaalada Jowhar oo ah halka ay gogosha taallo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment