4401 Views

Shirka Jowhar oo dadka ka soo horjeeda sii badanayaan

Shirka Jowhar oo dadka ka soo horjeeda sii badanayaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18, 2016: Waxaa dhawaan Magalada Jowhar ee gobolka Shabelaha Dhexe ka furmay Shirka maamulka loogu sameynayay Gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe wajigiisa 2aad.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa mar dhoweed mooshin ka dhan ah shirkaasi u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka ee Federaalka si shirkaasi loo hakiyo.

Shacbiga qaar ayaa ku doodaya in Shirka Jowhar ay Dowladdu ku deg degeyso,islamarkaana ay ka dhalan karto khilaaf u dhaxeeya beelaha Labada Gobol dega.

Qubarada ka faalooda siyaasada Soomaliya waxaa ay sheegayaan inta aan la dhisin maamulkaas ka hor la sameeyo shirar la’iskugu keenayo dadka wada daga labada gobol si ay uga tashtaan aayohooda.

Maxamed Maxamuud Caalim oo ah Doplamaasi, hore kuna sugan London isla markaana ka faalooda siyaasada Soomaaliya waxaa uu Idaacadda Mustaqbal u sheegay in dhismaha maamulkaasi uu hadda u muuqdo mid ay dowladdu ku ded-degeyso,waxaana uu soo jeediyay in aan lagu fududaan ayado Shirka ay ka maqanyihiin dadka qaarkood oo dega gobollasi.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment