3393 Views

Tacsi Tiiraanyo leh dadkii ku dhibtay doonidii….

Tacsi Tiiraanyo leh dadkii ku dhibtay doonidii….
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 18 April 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisulwasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo dhammaan xubnaha goleyaasha Baarlamaanka iyo Wasiirradu waxa ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed , gaar ahaanna eheladii iyo qoysaskii ay ka bexeen uga tacsiyeynayaan dadkii Soomaaliyeed ee ku geeryooday doon kula qallibantay badda Mediterranean-ka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa yiri “ Madaxda Qaranka Guud ahaan, iyagoo aad uga tiiraanyeysan waxa ay u tacsiyeynayaan bulshada Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyoodeen ku dhowaad 200 qof oo Soomaali ah, oo dhallin yaro u badan, kuwaas oo doontii ay saarnaayeen oo ka baxday dalka Masar, ay kula qallibantay badda Mediterranian-ka”

“Waa masiibo aad u weyn oo bulshada Soomaaliyeed meel ay joogaanba aad uga xanuunsadeen, waxaan murugada la qeybsaneynaa qoysaska ay xigaaladoodu ku dhinteen shilkan” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Maareeye oo tilmaamay in dhacdadan dadka badani ku dhinteen ay mar kale na xusuusineyso khatarta ay tahriibtu ku hayso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.

Waxaan u mahad celineynaa dalalkii iyo xoogaggii ka qeyb qaatay badbaadinta iyo daryeelka intii ka badbaadday masiibadan xanuunka badan.

Dowladda Soomaaliya iyadoo la kaashaneysa dalalka ay arrintu khuseyso, waxa ay baareysaa sidii ay shilkani u dhacay. Sidoo kale safaaradaheenna Masar, Talyaaniga iyo Brussels ayaa ku howlan soo ururinta xogaha la xiriira shilkan, waxaanna bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonnaa wixii ka soo baxa baaritaannada socda.

.

.

____________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment