3528 Views

Tahriibiyaal, ay Soomaali ka mid tahay, oo ku dhintay badda Mediterranean

Tahriibiyaal, ay Soomaali ka mid tahay, oo ku dhintay badda Mediterranean
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18, 2016: Dad ka badan 400 oo tahriibiyaal ah ayaa doonyo ay la socdeen waxaa ay kula degeen badda Mediterranean oo u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kadib markii afar doomood oo si xad dhaaf ah loo raray ay ku degeen badaasi, kuwaas oo ka yimid dalka Masar kuna sii jeeday  Talyaaniga.

Tahriibiyaashan ayaa la sheegay in ay intooda badan ay ahaayeen Soomaali isla markaana u badnaa dhalinyaro, waxaana kamid ahaa dad u dhashay dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, ayaa xaqiijisay in doonyaha ay dadka Soomaalida ah la socdeen ay degeen isla markaana aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee saareed doonyaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 29 ruux ay ka badbaadeen doonyaha ku degay badda Mediterranean, kuwaas oo an la ogeeyn dalalka ay u dhasheen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment