4290 Views

Wafdi dowlada hoose ee Istanbul ka socda, oo yimid Muqdisho

Wafdi dowlada hoose ee Istanbul ka socda, oo yimid Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18, 2016: Wafdi ka socday dowladda hoose ee Istanbul oo soo gaaray magaaladda Muqdisho iskuguna jiray mas’uuliyiin iyo ingineero ka socda dalka Turkiga, ayaa qiimeyn ku sameeyay sida loogu sameeyn-laha dib u dhis waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho.

Qiimeynta wafdigan ay ku tageen waddada Sodonka ayaa waxaala socday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada mudane Iimaan Nuur Iikar, gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka, iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Istanbul.

injeneeridi wafdiga ka mid ahaa, ayaa qiimeynta ka dib waxaa sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan fulinta balan qaadkii dowladda hoose ee Istanbul ee Turkiga kaasi oo ku aadanaa in ay dhisayaan waddada 30-ka ee maagalada Muqdisho.

Gudoomiyaha, mudane Shekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa dhankiisa tilmaamay in aad ugu faraxsan yahay in balan qaadkii dowlada hoose ee Istanbuul uu bilaawdo fulintiisa, raja wanaagsan ay ka qabaan in dhawaan umadda Soomaaliyeen ee ku nool gobolka loo dhiso waddada 30-ka, ka dib iskaashiga dowaladaha hoose ee Muqdisho iyo tan ISTANBUL.

Gobolka Banaadir ayaa waday maalmahan dambe dadaalo dib u dayac tir loogu sameena

 

yo waddooyinka magaaladda Muqdisho, waxaan dad badan oo reer Muqdisho aad ugu riyaaqeen sida ay dhabta kaga tahay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir dib u soo celinta bilicda Muqdisho.

Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka deggan Gobolka Banadir, ayaa qabo in wax isbedel ah ayna ka imaanayn dhismaha iyo dayac-tirka lagu sameeynayo Jidadka Muqdisho, marba hadii loo xirxiraayo sida jidadka horay loo sameeyay oo qaarkood ay ku yaaliin Faras Magaalaha, sida wadooyinka hor mara Xarunta Gobolka Banadir, ama ku dhow.

IMG_4615

IMG_4526

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment