3207 Views

“Mooshinka laga keenay shirka Jowhar, waxaa ku jira Xildhibaano aan labada gobol u dhalan”

“Mooshinka laga keenay shirka Jowhar, waxaa ku jira Xildhibaano aan labada gobol u dhalan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19, 2016: Daahir Amiin Jeesow oo ah Xildhibaan ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, ayaa nasiib darro ku tilmaamay mooshinka laga keenay shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.

Mudane Jeesow ayaa sheegay in aanay dastuurka waafaqsaneyn in howl socota in la joojiyo, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dalabka Xildhibaanada ee ah in Maamulkaas la dhiso marka ay dhamaato dowladda hada jirta wana wax an suuto gal ahayn.

“Hiiraan iyo Sh/Dhexe waa labada gobol ee ka harsan dowlad goboleedyada ee la rabo in federaalka lagu dhameystiro, waxaa layaab ah in Xildhibaanada ay dhahaan, hala dhiso marka ay dowladdan waqtigeeda dhamaato, dowladda cusub ee la soo dhisayo ay saddex bilood kadib howshaas dib u bilowdo, waana wax aan dastuurka waafaqsaneyn”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in 14 duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay 10 ka mid ah ku sugan yihiin magaalada Jowhar, isagoo xusay in 4-kale ay joogaan Beledweyn, isla markaana ay ka caga jiidayaan inay tagaan Jowhar, waxaana uu intaa ku daray in wada hadal lagula jiro oo ay arrintooda ay socoto.

“Waxaa nasiib darro ah in mooshinka waxa wada inay ku jiraan Xildhibaano aan u dhalan labada gobol ee ka soo jeeda deegaanada maamulada kale ee dhisan”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

42 Xildhibaan ayaa mooshin ka keenay shirka Jowhar in la hakiyo, waxaana mooshinkaas uu labo maalmood ka hor u baaqday kooram la’aan, markii la damcay in cod loo qaado.

Kulankii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen Xarunta Golaha shacabka ayaa buuq ku dhamaaday, kadib markii Xildhibaanada ay isku khilaafaan guda gelida ajandayaasha shirka oo uu ku jiray mooshin laga keenay shirka Jowhar.

Arrinta Barlamaanka waa qasantahay, balse waxa la sheegayaa in Xildhibaan Jeesow uu ku dhegganyaha qodob sax ah sida Dastuurka ku qoran.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment