5301 Views

Soomaaliya oo joojisay dal ku galka Sudan

Soomaaliya oo joojisay dal ku galka Sudan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19, 2016Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta joojisay Fiisaha dal ku galka ah ee Sudan, si loo yareeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee u gudbaya dalalka Masar iyo Libiya, si ay ugu tahriibaan Yurub.

Jen. C/llaahi Gaafow Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay soo saareen mamnuucida Fiisaha lagu tago dalka Sudan.

“Waa wax laga naxo in 450 qof u badan Soomaaliya inay hal mar Badda ku dhamaadaan, taasi waxay na soo xusuusineysaa 1991, markii dalka dhibaatada ka dhacday tahriibkii bilowday in dad badan ay badaha ku dhamaadeen”ayuu yiri Jen. Gaafow.

Taliyaha ayaa sheegay in dhamaan dadkii tagay Masar ay ka baxeen Khartoum, isla markaana badankood ku galeen Suudaan Fiisaha dal ku galka ah.

“Waa in dhalinyarada la bad baadiyo, waxaa ugu baaqayaa maamulada dalka ka jira in dadka tahriibaya ay joojiyaan, sidoo kale waalidiinta waa in aysan u ogolaan caruurtooda”ayuu yiri Jen, Gaafow.

Hadalkan ka soo yeeray Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 12-kii bisha Doonyo ay la socdeen illaa 400 Tahriibayaal u badan Dhalinyaro Soomaali ay ku degtay Badda Cas, ay ka tahriibeen Xeebaha Masar.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment