4728 Views

Todobo ruux oo lagu dilay Shalanbood

Todobo ruux oo lagu dilay Shalanbood
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19, 2016: Wararka ka imaanaya deegaanka Shalanbood ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay lagu dilay todobo ruux oo isku qoys ahaa.

Koox hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa la sheegay inay qoyskan oo ku weerareen gurigooda, iyadoo arrintan loo aaneynayo inay tahay aano qabiil iyo kala aarasho.

Dadkaan la dilay ayaa ahaa reer guuraa, waxaana isugu jira lix caruur ah iyo islaan waayeel ah oo ayeeyadood aheyd,dilkoodana, waxa xaqeejyay Maamulka deegaanka Shalanbood.

Wararka ayaa intaa raaciyeen in dableyda hubeysan ay gubeen aqalki reerka ku noolaayeen, waxaana la sheegayaa inay ka baxsadeen dad kale oo qoyska ka mid ahaa oo la rabay in ayagana la dilo.

Deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka jiray colaad beeleedyo dad badan ku dhinteen, waxaana degmooyinka Marka iyo deegaano kale ka taagan xiisad la xiriirta dilkii xalay dhacay.

Waxaa la yaab leh in cid ka hadashaa waxyaaba ka dhaco Shabeellaha Hoose ayana jirin. Waxad moodaa in Marka iyo agagaarkeeda in ayna ka tirsaneeyn Soomaaliya.

Ma aha marki ugu horreysay ee Shabellaha Hoose ay ka dhacaan dhibaatooyin , balse Dowlada Federalka ah iyo Barlamaanka labaduba kama hadlaan wana waxa ay dadka la yaabanyihiin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment