3732 Views

Ciidamo ka tirsan Milateriga oo dad rayid ah ku dilay degmada Hodan

Ciidamo ka tirsan Milateriga oo dad rayid ah ku dilay degmada Hodan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 20, 2016Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xalay fiidkii saddex ruux ku dilay xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan, iyadoo markii dambe lagu guuleystay in la qabto askartii dilalka geystay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saddex askari oo ka yimid Warshadii Caanaha ay xaafadaha degmada Hodan ka wadeen falal dhac ah, waxaana rasaas aan loo meel dayin lagu furay dad shacab ahaa oo ka cararay ciidamada.

Saddexda qof ee la dilay ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen caruur aan qaan-gaarin oo kala ahaa 9 jir ah iyo wiil 6-sano jir ah, halka qofka saddexaad uu ahaa wiil dhalinyaro 20-jir ahaa.

C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay saddexda askari ee falka dilka geystay, iyadoo lagu wareejiyay raggaas Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in saraakiisha Ciidamada Milateriga ay gacan ka geysteen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa, waxaana uu intaa ku daray in sharciga la hor-keeni doono.

Falkii xalay ka dhacay degmada Hodan ayaa waxaa uu walaac ku beeray dadka deegaanka iyo qoysaska caruurtooda sida ula kac ah rasaasta loogu asqeysiiyay, waxaana saaka lagu wadaa in la aaso.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment