3288 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday in cunaqabateynta hubka la qaado

Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday in cunaqabateynta hubka la qaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 20, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo warbixin siinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kaga hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa afartii sano ee la soo dhaafay, sida Amniga, siyaasada iyo hirgelinta Federaalka.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dhalinyaro Soomaali Tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Badda Cas, waxaa uu ka dalbaday dowladdaha inay ka qeyb qaataan sidii meydadka loo raadi lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guulo laga gaaray dhinaca siyaasada, isagoo xusay in la dhisay saddex ka mid ah afarta dowlad goboleed ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu xusay in la qabyo qoray dastuurka dowladda.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in todobaadkii hore la isku afgartay in si guul ah la isugu raaco dhaqan gelinta hab doorasho lagu galayo, waxaana uu xusay in lagu socdo wadada saxda ah ee lagu hirgalinayo hanaan dimoqraadi ah oo Soomaaliya ka dhaqan gala 47 sano kadib.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe in si adag uga shaqeynayaan dhismihiisa, si loo dhameystiro hanaanka federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiis laga gaaray kala cadeynta maqaamka uu yeelanayo Gobolka Banaadir

Xasan Sheekh ayaa sheegay in taageerada Beesha Caalamka ay tahay mid muhiim ah, isagoo xusay in la qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu hubinayo qorista Ciidamada iyo mushaarkooda, waxaa uu xusay inay ka shaqeynayaan isku dhafka Ciidamada qaranka.

Waxaa uu sheegay in afar guuto oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland lagu soo biiriyay Ciidamada xoogga dalka, bisha July ee soo socota la rajeynayo in labo guuto kale lagu soo biiriyo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in bisha soo socda saddex kun oo ka tirsan Ciidanka Puntland ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka qaranka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la iska indha tiri karin qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay lagama maarmaan ay u tahay dhismaha Ciidan Soomaaliyeed oo wadanka difaaca.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment