5277 Views

Mowjado dabeylo iyo Hirar is wata oo saameyn ku yeeshay Xeebaha Muqdisho

Mowjado dabeylo iyo Hirar is wata oo saameyn ku yeeshay Xeebaha Muqdisho
____________________________________________________________________________

 

 

Muqdisho, April 20, 2016: Mowjado xoog badan oo is rogaya ee wata hirar waa weyn ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga dareemay Xeebaha Koofurta Soomaaliya, kuwaasoo saameyn ku yeeshay howlahii Kaluumeysatada iyo dadka degan meela ku dhow Xeebaha.

Kaluumeysata Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn ku yeesheen mowjadahan wata hirarka waa weyn ee ku dhiftay Xeebaha, kaasoo ay geddiyeen illaa saddex doon oo nooca foolfaha ah, xilli ay howlo jilaabasho jarmaadayeen.

Degmooyinka dhaca dhinaca Xeebaha ayaa si weyn looga dareemay saameynta mowjadaha hirarka watay, waxaana ka mid ah degmada Xamar weyne, iyadoo dadka deegaanka ee ku dhow xeebta ay dareen cabsi leh ka muujiyeen mowjadaha dabeylaha iyo hirarka isla socday ee guryaha qaar ku soo dhowaaday

Sidoo kale waxaa shalay qeybo ka mid ah Dekeda Muqdisho gudaha u soo galay biyaha badda, waxaana mowjadaha hirarka watay ay sababeen in labo Markab oo taagnaa Dekeda ay isku dhacaan, waxaana taasi ay keentay inuu hakado howlihii Dakadda ka socday.

Mowjadahan laga dareemay xeebaha Baraawe, Marka illaa Kismaayo oo todobaadkii hore xaafado ku dhow dhow xeebta ay gudaha u soo galeen biyaha badda.

Khubarada ku xeel dheer Cilmiga badaha, ayaa ka digaya in aan loo dhowaan xeebaha, isla markaana mowjadahan hirarka watay ay sababi karaan khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba leh.

IMG_2808IMG_2909IMG_2915momow

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment