3678 Views

Madaxweyne Xasan “Doorashada soo socota waxaa la imaan doonaa ajande cusub, oo la mid ah lixdii Tiir”

Madaxweyne Xasan “Doorashada soo socota waxaa la imaan doonaa ajande cusub, oo la mid ah lixdii Tiir”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 21, 2016Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, isagoo ka dhawaajiyay in doorashada soo socota uu la imaan doono ajande cusub oo uu uga qeyb qaadanayo tartanka doorashada asaga oo diyaar u ah.

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay dhacdadii badda ee ay ku dhinteen dhalinyaro badan, waxaana uu xusay in mas’uuliyada iyo xilka loo igmaday darteed ay ugu dhaceyso arrintaas ee usan inkirsanayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in daruufaha dalka ka jira ay keentay tahriibka, waxaana uu ku sababeeyay dhinaca dhaqaalaha.

“Daruufaha Soomaaliya ka jira ayaa keentay, inteeda badan waa dhaqaalaha, dowladda Federaalka inta awoodeeda ah ayay dadaaleysaa, dadka Soomaaliyeed 70% waa dhalinyaro da’dooda ka yar tahay 30-sano, waxaa ku dadaalnay inaan shaqaaleysiino dhalinyarada, saddexdii sano waa saddex jibaarmeen, dowladda laftirkeeda daruufa ayaa heysto dhamaantood ma wada shaqaaleyn karto, laakiin waxaa abuuri karnaa qaabab dadka shaqo ku helaan oo amniga ka mid yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha doorashada soo socota ayuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu mar kale ka qeyb galo doorashada, isla markaana uu musharax yahay,

Madaxweynaha ayaa xusay in marxalada dowlad dhisida Soomaaliya ay heerar kala duwan soo martay, Tii Carte, Mbgathi iyo tii u dambeysay ee School Polizo ee 135 oday ay soo xuleen Baarlamaanka, waxaa uu tilmaamay in sanadkan 2016 Muqdisho laga baxayo, lana tago magaala madaxda dowlad goboleedyada, isla markaana dhowr iyo toban kun ay ka qeyb qaadanayaan soo xulista Baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in taasi ay ugu sii dhowaanayaan doorasho hal qof iyo hal cod inay dalka ka dhacdo, degmo walbana la tago sida uu yiri

“Doorashada waa ka qeyb galayaa, ajandaheeda ayaa la imaanaya, sida aan ula imid lixda tiir oo kale oo wax badan ka dhaqan galay, hadana balan-qaadyada aan dadka Soomaaliyeed u sameyn doona ayaa la imaan doonaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Machadka Nabadda ee magaalada Washington, isagoo khudbadaas uga hadlay doorashada dalka ka dhaceysa, arrimaha amniga, siyaasada iyo qaybta bulshada ay ku leedahay siyaasadda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment