3474 Views

Dhalinyaro Tahriib ah oo Garoonka Muqdisho laga qabtay

Dhalinyaro Tahriib ah oo Garoonka Muqdisho laga qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 22, 2016Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta 11 dhalinyaro oo doonayay inay tahriibaan, ka qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay dhax maraan dalka Kenya, si ay ugu sii gudbaan dalka Masar gaar ahaan magalada Askandria.

Jen. C/llaahi Gaafow oo ahTaliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa sheegay in dhalinyaradan ay wateen Fiisooyin Masar ah, isagoo xusay inay ku wareejiyeen laanta dambi baarista dowladda ee Moqdisho.

“Waxaa saakay qabanay 11 dhallinyaro ah waxa ay rabeen in ay kabaxaan garoonka aadan cadde kadibna dalka Kenya ay ka sii tahriibaan oo ay naftooda qatar galiyaan, hoggaankana arrintaan xil ayaa ka saaran mana ogolaan doono in dad tahriib u socda ay garoonka ka dhoofaan”ayuu yiri Gen Gaafoow.

Dowladda ayaa shalay amar ka soo saartay dadka tahriibaya iyo kuwa Mukhalasiinta ah ee dadka tahriibiyo, iyadoo la qorsheynayo in ciidamo gaar ah loo sameeyo ka hortagga dhallinyarada tahriibeysa ee baxsadka ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment