4866 Views

INTAAN DOWLAD U SHAQAYN LAHAA, WAXAA LA’IIQATAY?

____________________________________________________________________________

 

 

Intaan Dowlad u shaqayn lahaa, waxaa la’iiqatay in aan Boyaas noqdo!

Aqristow waa Muqdisho, waa goor subax ah abaarahii 9:30 Am, waxaa is Bariidiyey laba qof oo dumar ah oo ay ka dhexeyso aqoon hore, waxay is waydiiyeen sida lagu ahaa Xaafadihii ay ka yimideen, waxaa wajiyadooda ka muuqato DARUUF Aduun.

Mid ka mid ah Dumarkii ayaa ku tiri Gabadhii kale “walaal ayaamahan kuma arkini ma SHAQAAD heshay, Gabadhii kale ayaa tiri shaqo noo cee ah abaayo, Shaqo dowlo, Shaqo Dowla’aa Alla xaasid inaad tahay, hadalee aan ku ogaaday, ma ogid miyaa in habeen dhaweeto lagu DILAY Xafadeena Islaan u shaqaynaysay Dowlada, maya ma maqlin, yaadilay Abaayo, ma ogi wax DILAY, laakiin waxaa loo dilay dowlada ayey u shaqaysaa darteed”.

Anigaba waxaa la igu QASBAY in aan barxadan ku KARIYO SHAAH, intii aan noqon lahaa shaqaale dowlo, ma ogayd in aan hada ka hor noqday shaqaale dowlo, haa waad ii sheegtay, waxaan u shaqayey 3 beri kaliya, kadibna waan iska daayey, “sababtuna maxay tahay Abaayo?

Anigoo goor subah ah, isu diyaariyey in aan aado Shaqada, ayaa la iga soo wacay Telefan qarsoon (unknown Number) waxaa i soo wacay WILL UU DHALAY ADEERKEY, wuxuuna igu yiri “waa maqlay in aad bilowday shaqo dowlo ee ka bax arintaas, hadii aadan ka bixina aniga ayaa ku DILAYA,  waxaad haysataa digniintii ugu dambaysay ee ogow, waana iska daayey mar hadii la ii soo diray ina adeerkay”.

Abaayo ilmo yar yar ayaan haystaa, ma rabo in aan NAFTEYDA ku waayo dowlad aan ogayn DURUUFTA aan ku noolahay!!!.

War iyo dhamaan waxaa is waydiin mudan, yaa u maqan dumarka dhibaataysan ee aan awoodin in ay raadsadaan quutul daruugii ay ku quudin lahaayeen ilamaha ay dhaleen, mana jiro xafiis ay u gudbiyaan cabashooyinka ay qabaan, si loo maareeyo dhibaatada haysata.

Dumarkaasi mid ka mid ah waxay ii sheegtay in ay hasato ilmo Agoon ah oo aysan jirin cid wax ku siisa, waxayna ku biishaa wixii ay iyada soo shaqayso, dhaqaalaha ay hesho maalintiina maha aha mid ay ku salayn karto nolosheeda maalmeed ee ay bahantahay maalin kasta.

Waana sabata keentay Ciwaanka maqaalkan ee ah kan kor ku xusan, Allow adaa u maqan Masaakiinta.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment