4872 Views

La Ligaha Spain 2015-2016 oo aan laga sii hadli karin Cida Qadeysa…

La Ligaha Spain 2015-2016 oo aan laga sii hadli karin Cida Qadeysa…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 22, 2016 – La ligaha Spain 2015-2016 ayaa maraya meel aad xaasasi u ah oo ay adag tahay in la sii sadaaliyo Cida ku Guuleysaneysa Kooxaha Barcelona,Athletico Madrid iyo Real Madrid oo xaga dhibacaha aad isku haya.

Horyaalka Spain 2015-2016 ayaa Guda galay Marxaladaan Sadaaalin la,aanta ah 3 usbuuc ee ugu dambeeyay ka dib Markii Kooxdii dhibcaha Badan ku heysay ee Barcelona lagu soo ciriiriyay Xaga Hogaanka Horyaalka Maadaama ay ku dhufoo ka dhaqaaq kala kulantay Kooxaha horyaalka kula loolamayay,walow usbuucaan ay ku caro baxeen Kooxda Deportivo la Coruna ay uga badiyeen 0-8  ku dhan Balse natiijadaasi kama dhigiin inay horyaalka ku kali ahaato Hogaankiisa.
Horyaalka la ligaha Spain 2015-2016 waa mid ka culus kuwii ka horeeyay marka la eego 3 naadi ee sida ba,an Horyaalak hanashadiisa isagu heysta,waxaana Horyaalka oo maraya Meertadiisii 34 ayna ka harsan yihiin 4 kulan oo kaliya si wada jir ah min 79 dhibcood ugu Horkacaya Kooxaha Barcelona iyo Athletico Madrid,halka Real Madrid oo ku soo xigta ay ka leeyihiin 78 dhibcood waxana Kaalinta 4 soo caraabeysa Kooxda Villarreal oo leh 60 dhibcood.
Kaalimaha hoose ee loogu noqonayo Heerka 2 Waxaa la ligaha Spain 2015-2016 kaga jira Kooxaha S.Gijon oo leh 32,Getafe oo leh 31 iyo Levante oo leh 28 dhibcood.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment